Posts

Saraakiisha ciidankii ka soo horjeeda muddo kororsiga oo qodobo soo saaray

Image
  Shir ay isugu yimaadeen   saraakiishii hogaamineysay ciidamadii ka soo horjeeday muddo kororsiga, iyagoo iska wareystay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo sidii loola jaanqaadi lahaa isbedelka ku dhacay siyaasada dalka. Saraakiisha ayaa isla soo faaqiday walaaca laga qabo in ciidamada gadooday la beegsado iyo sidii loo soo celin lahaa amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo laga duulayo amarkii ka soo baxay RW Rooble ee ahaa in ciidamadu ku laabtaan xeryahooda. Waxaa kulankan lagu magacaabay Guddi ka kooban 7 Xubnood oo ka tirsan saraakiisha Ciidankii hor istaagay muddo korarsiga Farmaajo, kuwaasoo la fadhiisan doonna Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil gaarsiinta ah ee Rooble iyo dhammaan xubnaha Mucaaradka ah. Waxaay sidoo kale soo sareen 9 qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin. 1.     In Xukuumadda Rooble ay ka laabato go’aankii ay Ciidanka Muddo korarsiga kasoo horjeeda ay ugu yeertay Maleeshiyaad oo ay sheegaan in ay yihiin Ciidanka Qaranka. 2.  ...

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Image
  Sida aan ka soo xiganay shabakada Allbanadir online, Taliye ku-xigeenkii ciidanka Booliiska Haramcad Muumin Ciise Max’uud iyo ciidamo uu wato ayaa galabta ka goostay dowladda federaalka. Sarkaalkan iyo ciidamadiisa ayaa ku biiray ciidanka taabacsan Mucaaradka ee la baxay Badbaado Qaran gaar ahaan kuwa fadhiyo aaga Mirinaayo. Muumin Ciise Max’uud ayaa la goostay ciidamo iyo gaadiid dagaal, sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan siyaasiyiinta Mucaaradka. Horay saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya iyo ciidamo ay wataan ayaa ugu biiray ciidanka siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Badbaado Qaran, kuwaas oo aad uga soo hor jeeda mudo kororsigii ay dhawaan sameysteen Farmaajo iyo golaha shacabka. Waxaa socon waayey qorshihii mudo kororsiga, kadib markii gudaha magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo si weyn u diidanaa mudo kororsiga. “Captan Muumin oo ah Sa...

GOLAHA SHACABKA OO LAALAY MUDO KORDHITNA, ANSIXIYANA HESHIISKII 17 SEPTEMBER.

Image
  Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa laalay mudo kordhintii madaxweynaha wakhtgiisii dhamadaaday waxaanay u codeeyeen in dib loogu laabto   heshiiskii 17 Sebtembar waxayna ku waafaqeen madaxweynaha. Goluhu markaan waxauu qaaday talaabo ay soo dhaweeyeen shacabka Somaliyeed iyo beesha caalamku, dalkana waxa la rajaynayaa in doorasho ka dhacdo. Dhamaan xubnihii fadhiyay ayaa u wada codeeyay mana jirin ka hor timid. Bartamihii bishii la soo dhaafay ayay xildhibaanada golaha shacabka waxa ay ansixiyeen doorashada qof iyo cod oo muddo labo sano gudahood ah dalka ka dhacaysa,hase yeeshee waxaa ka horyimid maamul goboleedyada dalka,musharaxiinta iyo beesha caalamka. Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo codeynta ka hor khudbad u jeediyay Golaha Shacabka ayaa golaha dib ugu celiyay qaraarkii muddo kororsiga ee 12-kii bishii tagtay April ee muddo kordhinta labada sano aheyd, islamarkaana ka codsaday inay taageraan dib ugu noqoshada...