Posts

Showing posts from February, 2021

Qaraxyo iyo Dilal Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Image
  Qarax loo adeegsaday miino wadada la dhigay ayaa lala eegtaay gudoomiyihi Gudoomiyaha Degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Cariif & Saraakiil boolis ah oo la socotay.   Qaraxu waxauu ka dhacay degmada Darasalam, waxaana wararku sheegayaan   in aan khasaare ka dhalan marka laga reebo gaadhi waxyeelo soo gaadhay. Qaraxa lagu beegsanayay gudoomiyaha iyo saraakiil la socday. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka aaso ah ee laga hago meela fog-fog ee gudoomiyuhu ka badbaaday waxa loo badinayaa inay ka danbeeyeen kooxda Alshabab. Wararkau waxa kale oo ay sheegayaan in Ciidamada ilaalada u ahayd guddoomiyaha inay rideen rasaas badan ayna halkaas ka sameeyeen howlgalo lagu raadinayo cidda ka dambeysay qaraxan. Dhinaca kale waxa qarax kale maanta ka dhacay   magaalada muqdisho. Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah ayaa lala eegtay gaari tikniko ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda waxaana wararku sheegayaan in uu jiro ...

JUBALAND IYO PUNTILAND OO KU BAAQAY IN LA FULIYO HESHIISYADII 17 SEPTEMBER

Image
  Maamulada puntiland iyo Jubaland ayaa soo saaray qoraalo ay kaga hadlayaan qodobadii ka soo baxay shirkii u danbeeyay ee dhex maray raysal wasaaraha xukuumada xilgaadhsiinta ah iyo hogaamiyeyaasha mucaaridka, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan heshiiskaas basle ay ku baaqayaan in la fuliyo qodobadii shirkii 17 September. Labadan maamul waxay ku adkeysteen in la dhameeyo caqabadaha hortaagan in doorasho qabsoonto oo xukuumadu joojiso is adkaynta iyo cabudhinta. Labadan maamul waxay isla qireen in dawladu masuul ka ahayd weerarkii qaawanaa ee lagu qaaday madaxda mucaaridka iyo taageerayaashooda oo si nabad ah u mudaharaadayay, taasina ay tahay cabudhin lagu qaaday   xoriyada hadalka iyo dimoqraadiyada curdinka ah ee dalka. Labada maamul waxay mar walba soo dhaweynayaan heshiis kasta oo balanqaadaya in dalka doorasho laga qabto, balse waxay ka soo horjeedaa ficilada xunxun ee ay samaynayso xukuumada sharci darada ah ee wakthigeedii dhamaaday. Puntiland oo qoraal soo saartay...

Midawga Musharaxiinta oo Shuruudo adag ku xiray khilaafka doorashooyinka iyo Farmajo oo xaaladu ku xuntahay.

Image
  Midawga musharaxiinta ayaa kulan la qaatay wakiilada beesha caalamka ee­ danaynaya arimaha Somalia, shirka oo lagu qabtay aalada Zoomka waxa lagaga wada hadlay arimaha cakiran ee xiligan ka taagan Somalia gaar ahaan arimaha doorashooyinka ee lagu muransanyahay, kulankani waxuu yimi ka dib markii ay fashil ku dhamatay isku day dhexdhexaadin ah oo Rasayl wasaare Rooble doonayay inuu ku dhexdhexaadiyo mucaaridka iyo dawlada wakhtigeedii dhamaaday ee Farmajo. Hadaba midawga mushariinta ayaa qoraal ay soo saareen ugu gudbiyay beesha caalamka dalabkooda iyo shuruudaha ay hordhigayaan xukuumada sharci darada ah ee dalka sharci darada ku haysata. Shuruudadaha waxa lagu sheegay inaan Farmaajo doonayan inuu dalka ka qabto doorasho xor ah isla markaana uu xidhay jawigii siyaasadeed ee lagu xalin lahaay khilaafka isagoo isticmaalaya ciidamada Gorgor si ay uu weeraraan madaxda mucaaridka iyo shacabka mudaharaadaya, taasina ay tahay ficil kalitsnimo. Si kastaba ha noqotee midawga musharaxi...