Posts

Showing posts from December, 2020

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?

Image
Khamiis, 31 December 2020. Shirka ka socda gorowe ee dhexmaraya madaxda maamul goboleeda iyo dawalada waxa lagaga wada hadlay arimo la xidhiidha muranka doorashooyinka, amaanka, caqabadaha hortaagan doorasha iyo sidii looga bixin lahaa.Shirka oo ay soo qaban qaabisay xarunta Heritage waxa marti loo ahaa   Madaxweyne Deni. Waxaanu dawlada ku eedeeyay inay iyadu wado in laga warawaro in wadanka doorasho ka dhacdo iyo in kale. Waxa kale oo shirkaas ka hadlay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamud. “Waxaa la isla gaartay in la qaato doorasho ‘dadban’ heshiiskaas caqabado uu ka dhaqan geli waayey ayaa soo wajahay, laakiin weli waxaa furan fursad lagu badbaadi karo doorashada dalka..Dhaqan gelinta heshiiskii la gaaray September waxa uu u baahan in dib looga wada xaajoodo oo laga toosiyo halka uu ka qaloocday, waa wadada kaliya oo aan maanta doorasho ku gaari karno.” Si kastaba ha noqotee waxa hada faalka siyaasadu ku xunyahay farmaajo shirka daahda dabadiisa kala socda arimaha lagu ...

CULAYSYADA SIYAASADEED EE UU WAJAHAYO FARMAAJO.

Image
  Garowe waxa ku kulmaya xubnaha ugu sareeya mucaaridka iyo dawlada oo uu metelayo raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, gogosha oo ay fidisay madasha aragti wadaag,waxa lagaga hadlayaa xaalada dalka, arimaha doorashooyinka iyo sidii looga bixi lahaa caqabadaha hada taagan. Tani waa culayskale oo soo foodsaaray xukuumada farmaajo oo ay u hadhay wax ka yar 40 maalmood. Markana waxay u badantahay in mucaaridku gacanta sare leeyihiin maadaama ay dawladu raadinayso halkii ay ka bixi laheyd, maadaama beesha caalamku ku cadaadisay farmaajo inuu miiska wada hadalada soo fadhiisto oo isaga xalka laga rabbo. Walaaca ugu badani wax aka taaganayahay in doorashadu xiligeedii ku dhici   waydo oo dib u dhacdo, taasina waxay meesha ka saaraysaa heshiiskii lagu gaadhay muqdisho oo ku dhisnaa in doorashada xiligeeda lagu qabto. Taas waxa caqabada kowad ku ah xukuumada farmaajo oo markii kowaad ba gacan bixidxeysay gudiyada doorashooyinka oo ay ku soodartay xubno ka tirsan...

Goodax Barre oo Xukuumada dhexe uga digay Cabudhinta Dadka reer Hirshabeele.

Image
  Wasiirkii hore ee Waxbarashada ahna xilidhibaan golaha baarlamaanka   ayaa ka hadlayay arimo la xidhiidha muranka doorashooyinka, xaalada baladweyne iyo gobolka Gedo oo muran u dhexeeya dawlada iyo maamulka Jubaland hada ka jiro. Goodax Bare waxa uu hanjabaad hawada u mariyay masuuliyiinta sar sare ee dawlada isaga oo uga digay in Hiiraan gaar ahaan baladweyne loo isticmaalo qaab isticmaar ah iyada oo la cabudhinayo dadka isla markaana la iska xidhxidhayo sabab la’aan. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Goodax in dawladu la timaado qorshe dalka doorasho lagaga qabanayo, hadii ay keeni waydana iyadu qaadayso masuuliyada qaranka. Xukuumada dhexe ee Somaliya ayaa bilawday inay beegsato dadka ka fikirka duwan ee dawlada ku mudaharaadaya iyagoo fikirkooda cabiraya. Waxaana soo badanaya cabudhinta lagu hayo dadka shacabka ah oo ka mid yihiin reer Hiiraan.   Goodax waxa uu xukuumada farmaajo ugu baaqay inay ka waantawdo falalka ka soo horjeeda xoriyada muwaadiniinta iyo ta s...