Goodax Barre oo Xukuumada dhexe uga digay Cabudhinta Dadka reer Hirshabeele.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada ahna xilidhibaan golaha baarlamaanka ayaa ka hadlayay arimo la xidhiidha muranka doorashooyinka, xaalada baladweyne iyo gobolka Gedo oo muran u dhexeeya dawlada iyo maamulka Jubaland hada ka jiro.
Goodax Bare waxa uu hanjabaad hawada u mariyay masuuliyiinta sar sare ee dawlada isaga oo uga digay in Hiiraan gaar ahaan baladweyne loo isticmaalo qaab isticmaar ah iyada oo la cabudhinayo dadka isla markaana la iska xidhxidhayo sabab la’aan. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Goodax in dawladu la timaado qorshe dalka doorasho lagaga qabanayo, hadii ay keeni waydana iyadu qaadayso masuuliyada qaranka.
Xukuumada dhexe ee Somaliya ayaa bilawday inay beegsato dadka ka fikirka duwan ee dawlada ku mudaharaadaya iyagoo fikirkooda cabiraya. Waxaana soo badanaya cabudhinta lagu hayo dadka shacabka ah oo ka mid yihiin reer Hiiraan. Goodax waxa uu xukuumada farmaajo ugu baaqay inay ka waantawdo falalka ka soo horjeeda xoriyada muwaadiniinta iyo ta saxaafadaba.
Xildhibaan Goodax oo ka in dawladu qaab gumaysi dadban ah u isticmaalayso dadka reer Hiiraan yidhi”Farsamadan cusub ee dowladdu u isticmaaleyso shacabka reer Hiiraan, waa farsamadii isticmaarku adeegsan jiray, oo ah bandow hala geliyo, cunnada halaga joojiyo, shaqada halaga joojiyo, dhaqaalaha halaga curyaamiyo. Waa waxa shalay Beledweyne ku bilowday, waa waxa dadku ka mudaaharaaday, waa waxa aakhirka na dhaxalsiin doonto dhibaato intaan ka weyn, haddaan caqligu talin,”
“Haddii dhibaatadu sii socoto ogaada in arrintu aysan ku ekaan doonin Gobolka Hiiraan iyo Magaalada Beledweyne, waxaana dhici doonta in dad badan maxkamad loo soo taago” ayuu yidhi Goodax bare waxaanu dawlada ku eedeeyay inay si sharci daro ah u xidhxidhay dad aan faldanbiyeed samayn sida saxafihiin, siyaasiyiin iyo dad rayid ah oo firkooda cabirayay.
Taniyo markii doorashadu ka dhacday maamul goboleedka Hirshabeele waxa soo baxayay khilaafyo ku saabsan qaabka doorashadu u dhacday iyagoo musharaxiinta qaar ka soo hjorjeestay natiijadii doorashada. Waxa ka dhacay mudaharaado rabshada wata dawladuna waxay kaga falcelisay xabad iyo ciidan xidhxidhay dad si nabadgalyo ah u mudaharaadayay. Waxa iska cadayd in dawladu faragalin ku samaysay doorashadii maamulka hirshabeele, oo uu ku soo baxay madaxweyne Guudlaawe oo u janjeedha dhinaca xukuumad Farmaajo, taasina ay shaki galisay dadka degan deegaanadaas.

Comments
Post a Comment