Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?



Khamiis, 31 December 2020. Shirka ka socda gorowe ee dhexmaraya madaxda maamul goboleeda iyo dawalada waxa lagaga wada hadlay arimo la xidhiidha muranka doorashooyinka, amaanka, caqabadaha hortaagan doorasha iyo sidii looga bixin lahaa.Shirka oo ay soo qaban qaabisay xarunta Heritage waxa marti loo ahaa  Madaxweyne Deni. Waxaanu dawlada ku eedeeyay inay iyadu wado in laga warawaro in wadanka doorasho ka dhacdo iyo in kale.

Waxa kale oo shirkaas ka hadlay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamud. “Waxaa la isla gaartay in la qaato doorasho ‘dadban’ heshiiskaas caqabado uu ka dhaqan geli waayey ayaa soo wajahay, laakiin weli waxaa furan fursad lagu badbaadi karo doorashada dalka..Dhaqan gelinta heshiiskii la gaaray September waxa uu u baahan in dib looga wada xaajoodo oo laga toosiyo halka uu ka qaloocday, waa wadada kaliya oo aan maanta doorasho ku gaari karno.”

Si kastaba ha noqotee waxa hada faalka siyaasadu ku xunyahay farmaajo shirka daahda dabadiisa kala socda arimaha lagu muransanyahay ee doorashooyinkana isagu caqabada koowaad ku ah, balse markan waxay u muuqataa in runtu hortiisa timi, waxaanu kala dooranayaa laba qorshe oo ah inuu sidaa ku siia adkeeysto iyo inuu dib u saxo khaladaadka dastuuriga ah ee uu galay.

Musharax Xasan Cali khayre oo shirka ka hadlay ayaa tilmaamay in loo baahanyahay xal waara oo laga gaadho arimaha doorashada ee muranku ka taaganyahay si wadanku uga badbaado in uu ku noqdo meeshii 30 ka hor uu joogay.  Isaga oo arintaas ka hadlaya waxuu yiri “Sida looga gudbo xaalada taagan ayaa waxaa ay ka turjumeysaa halka aan u socono iyo in la helo dowladnimo hana qaado, balse hadii laga gudbi waaya ay dhici karto in 30 sano oo kale la joogo meesha aan hadda joogno,”

Dhinaca kale shirka waxa garab socday kulamo googoos ah oo yeelnayeen madaxda mucaaridka iyo kwua muxaafidka. Axmed Madoobe, madaxweynaha maamulka Jubaland iyo Raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo si gaar ah u kulmay ayaa iyaguna ka wada hadlay xaalada dalka iyoa rimaha lagu muransanhay, balse kulankaas waxa lagu macneeyay in xukuumada farmaajo sasabanayso axmed Madoobe, taasina aanay wakhtigan meesha oolin ee dawlada laga rabo in ay dibu saxdo khaladaadka dastuuriga ah eey gashay.

Axmed Madoobe oo si adag ula garnaqsaday xukuumada farmaajo ayaa ku eedeeyay in laga been abuuray oonay jirin meel uu madaxweynaha ugu balan qaaday xilidhbaanada gobolka gedo, taasina ay tahay waxyaabaha muranku ka taaganyahay. Waxa uu tilmaamay in xukuumadu ka caga jiidayso inay dalka ka qabato doorasho lagu wada qanacsanyahay.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.