MARAYKANKA OO DIGNIIN U DIRYA FARMAAJO, BAARLAMANKA KA CODSADAY IN LA BAABIIYO MUDO KORDHINTA.
Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka inay deg deg u baabi’iyaan sharcigii muddo kororsiga ee la meel-mariyey 12-kii bishan April. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanka waxay qireysaa ballan-qaadka uu madaxweyne Farmaajo sameeyey 28-kii April ee ah inuu dib ugu laabanayo heshiiska 17-ka September uuna deg deg u billaabayo wada-hadallada hoggaamiyayaasha dowlad goboleedyada. Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha iyo baarlamanka inay deg deg uga howl-galaa baabi’inta sharciga muddo kororsiga ee 12-ka April.” Mareykanka ayaa soo dhaweeyay, islamarkaasina bogaadiyay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooblee iyo hoggaamiyayaasha maamullada diidmadooda ku aaddan muddo kordhinta. Bayaankan ayaa lagu yiri “Waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya inay si deg deg ah u kulmaan, si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay, lana q...