MARAYKANKA OO DIGNIIN U DIRYA FARMAAJO, BAARLAMANKA KA CODSADAY IN LA BAABIIYO MUDO KORDHINTA.
Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka inay deg deg u baabi’iyaan sharcigii muddo kororsiga ee la meel-mariyey 12-kii bishan April.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanka waxay qireysaa ballan-qaadka uu madaxweyne Farmaajo sameeyey 28-kii April ee ah inuu dib ugu laabanayo heshiiska 17-ka September uuna deg deg u billaabayo wada-hadallada hoggaamiyayaasha dowlad goboleedyada. Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha iyo baarlamanka inay deg deg uga howl-galaa baabi’inta sharciga muddo kororsiga ee 12-ka April.”
Mareykanka ayaa soo dhaweeyay, islamarkaasina bogaadiyay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooblee iyo hoggaamiyayaasha maamullada diidmadooda ku aaddan muddo kordhinta.
Bayaankan ayaa lagu yiri “Waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya inay si deg deg ah u kulmaan, si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay, lana qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17.”
Mareykanka ayaa ugu yeerey hoggaamiyayaasha siyaasadda in danta Soomaalida darteed inay meel iska dhigaan himilooyinkooda siyaasadeed iyo kala fikir duwanaanshiyahooda, ayna si daacad ah oo tanaasul iyo shuruud la’aan u wada hadlaan.
Ugu dambeyn Mareykanka ayaa ugu baaqay ciidamada Soomaaliya iyo kooxaha kale ee hubeysan inay dib u gurtaan oo ay oggolaadaan in wadahadallada siyaasadeed ay dib ugu bilowdaan jawi ka caagan rabshado iyo cagajugleyn.
“Rabshadaha oo sii socda ayaa waxay noqon doonaan kuwa uun kaliya u adeega inay xaaladda uga sii darto shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkan.
Si kastaba ha noqotee waxay u muuqataa in markaan Farmajo kaligiis taaganyahay oo ay cid waliba garabkiisa ka baxday. Waxa ka soo horjeestay madaxda maamulada Galmudug iyo Hirshabeele Qoorqoor iyo Guudlaawe oo markii taageeray mudo kordhinta balse hadda ka soo horjeestay damaca kalitalisnimada ah ee Farmajo.

Comments
Post a Comment