Raysal wasaarihii Hore Mudane Xasan A. Khayre oo soo saaray Digniin la xiriirta arimaha doorashooyinka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo war qoraal ah soo saaray ayaa si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka. Mudane Khaire waxuu ku eedeeyay xukuumada wakhtigeedii dhamaaday inay ku guuldaraysatay inay dalka ka saarto xaalada adage e uu ku suganyahay. Khaire waxa uu qoraalkiisa ku yiri :Afar (4) bilood kahor ayaa hadal aan jeediyay ku sheegay, in qaabka aan u maareyno afartanka (40) maalmood ee xilligaas nagu soo aadanaa, ay fure u noqon doonto afarta (4) sano ee nagu soo fool leh, ayna gundhig u sii noqon doonaan sawir-mustaqbaleedka dalkeena iyo dadkiisu ay yeelan karaan afartanka (40) sanno ee soo socdo. Afar (4) bilood kadib, waxay dowladda muddo xileedkeedii dastuuriga ahaa uu dhamaadey ay wali ku guuleysan la´dahay oo ay la rafaneysaa maareynta iyo ka gudbidda isgoyska halista badan ee dalkeennu uu xiligaan taaganyahay. Waxaana wada aragnaa fool-xumadda natiijooyinka ka dhasha m...