FARMAJO OO KU HAFTAY BADWEYNTA SIYAASADA IYO OLOLAHA METELADA GOBOLKA BANADIR.
Meteladaa gobolka Banadir ee Farmajo ansixiyay waa olole doorasho, gobolka Banadir iyo beesha degta haduu wax u ogolayahay afarsano ayuu xukunka hayay waxbane uma qabin, hada kala qaybin iyo olole doorasho ayaa u geeysay inuu ansixiyo. Farmajo waxuu muquuranayaa xiisado siyaasadeed oon saadaal lahayn maadaama oo mudo ka yar 8 cisho u hartay isla markaana wali taaganyahay khilaafka dhinaca doorashada ah. Farmajo markuu ku guuldaraystay inuu la heshiiyo saamilaydo siyaasada dalka ayuu bilaabay inuu soo dhawaysto beesha gobolka banadir, ilaa sanadkii hore isagaa dabada ka rixayay in gobolka Banadir loo ansixiyo 13 xilidhibaan si uu cod uga helo doroshada maalmaha kooban ka hadhsanyihiin, tani waxey ka dhigantahay sooryo wakhtigeedii dhaaftay, gobolka banadirna wuxuu xaq u leeyahay maahan in doorasho lagu dhaafsado,. Farmajo oo maalmo yar u hareen wuxuu ku haftay siyaasada aan deganayn ee xiligaan isagoo kolba meel isku qaadaya. Markuu u adkaysan waayay culeeyska ay saareen mucaa...