FARMAJO OO KU HAFTAY BADWEYNTA SIYAASADA IYO OLOLAHA METELADA GOBOLKA BANADIR.

 


Meteladaa gobolka Banadir ee Farmajo ansixiyay waa olole doorasho, gobolka Banadir iyo beesha degta haduu wax u ogolayahay afarsano ayuu xukunka hayay waxbane uma qabin, hada kala qaybin iyo olole doorasho ayaa u geeysay inuu ansixiyo. Farmajo waxuu muquuranayaa xiisado siyaasadeed oon saadaal lahayn maadaama oo mudo ka yar 8 cisho u hartay isla markaana wali taaganyahay khilaafka dhinaca doorashada ah.

Farmajo markuu ku guuldaraystay inuu la heshiiyo saamilaydo siyaasada dalka ayuu bilaabay inuu soo dhawaysto beesha gobolka banadir, ilaa sanadkii hore isagaa dabada ka rixayay in gobolka Banadir loo ansixiyo 13 xilidhibaan si uu cod uga helo doroshada maalmaha kooban ka hadhsanyihiin, tani waxey ka dhigantahay sooryo wakhtigeedii dhaaftay, gobolka banadirna wuxuu xaq u leeyahay maahan in doorasho lagu dhaafsado,. Farmajo oo maalmo yar u hareen wuxuu ku haftay siyaasada aan deganayn ee xiligaan isagoo kolba meel isku qaadaya.

Markuu u adkaysan waayay culeeyska ay saareen mucaaridku wuxu bilaabay iinuu wadamada jaarka kula galgasho isagoo xiriirka u jaray Kenya isla markaana joojiyay ganacsigii qaadka. Waxuu bilaabay inuu xiriiro kala duwan la yeesho Madaxweynaha Eritrea oo ah kalitlaiye aan kheyr lahayn. Waxa soo baxay shakiyo ah iin dhalinyaradii halkaas tababarka loo geeyay la geeyay faramaha Tigreega.

Farmajo oo u arsantahay waxyar todobaad ka yar waxuu la kulmayaa cadaadis kaga imanaya beesha caalam. Beesha caalamku waxy soo farmajo ku canaanatay inuu ku guuldaraystay inuu khilaafka soo dhaweeyo si xal loo gaaro, maadaama oo uu haysto mudo afar sano ah oo uu ku dhamayn karayay wixii la xiriira doorashooyinka. Dhamaan arimahaan waxey ina tusayaa sida farmajo uga go’antahay inuu markale kursiga fuulo isagoo umaraya wado kasta oo uu ku helayo.

Dhinaca kale beesha caalamka iySaaxiibada Somalia waxey waxay soo dhoweynayaan magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27ka bisha Janaayo. Tani waa tilaabo kale oo Farmajo ka nixisay maadaama oo hada maamuladu doonayaa inay galaan doorasho ay ku bedeli karaan madaxweyna Farmajo oo mudadaas afarta sano ku fashilmay inuu dalka gaarsiiyo himilooyinkii loo doortay.

 

Si kastaba ha noqotee Farmajo waxuu dhex fadhiyaa badweynta siyaasada oo kacsan, shacabku waxey ka daaleen balandarada Farmajo oo mudo afar sano ah ku guuldaraystay  inuu dalkan gaarsiiyo horumar iyo amaan buuxa.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?