SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.
Sida aan ka soo xiganay shabakada Allbanadir online, Taliye ku-xigeenkii ciidanka Booliiska Haramcad Muumin Ciise Max’uud iyo ciidamo uu wato ayaa galabta ka goostay dowladda federaalka.
Sarkaalkan iyo ciidamadiisa ayaa ku biiray ciidanka taabacsan Mucaaradka ee la baxay Badbaado Qaran gaar ahaan kuwa fadhiyo aaga Mirinaayo.
Muumin Ciise Max’uud ayaa la goostay ciidamo iyo gaadiid dagaal, sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan siyaasiyiinta Mucaaradka.
Horay saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya iyo ciidamo ay wataan ayaa ugu biiray ciidanka siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Badbaado Qaran, kuwaas oo aad uga soo hor jeeda mudo kororsigii ay dhawaan sameysteen Farmaajo iyo golaha shacabka.
Waxaa socon waayey qorshihii mudo kororsiga, kadib markii gudaha magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo si weyn u diidanaa mudo kororsiga.
“Captan Muumin oo ah Sargaalkii ugu miisaanka cuslaa Ciidanka Haramacad iyo ciidamo uu wato ayaa galabta ku soo biiray Ciidanka Badbaado Qaran,” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook.Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya iyo ciidamo ay wataan ayaa ugu biiray ciidanka siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Badbaado Qaran, kuwaasoo ka soo horjeeday muddo kororsigii Farmaajo ka hor inta aan laga laaban maalmo ka hor.
Ciidanka Haramcad oo lagu tababaray saldhiga Turkigu ku leeyahay Muqdisho ayaa ka mid ah ciidamada uguy tayada wanaagsan DF inkastoo si weyn loogu adeegsaday weerarada ka dhanka ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Farmaajo.
Dad badan ayaa isweydiinaya sababta keentay in ciidamada ay sii wadaan iney ku biiraan mucaaradka maadaama laga laabtay muddo kororsigii keenay gadoodka, Xukuumadana loo xilsaaray iney qabato doorasho.
Shalay Madaxweyne waxa uu ogolaaday in dib loogu noqdo heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, waxuuna shaaciyey in amniga iyo guud ahaan arrimaha doorashada uu ku wareejiyey ra’iisul wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble, balse ciidamadii ka gadooday mudo kororsiga weli waxay difaac uga jiraan gudaha magaalada Muqdisho.
Comments
Post a Comment