SHAKI BADAN AYAA LAGA KHABAA HUBKA DAWLADU SHEEGTAY INAY KA HORTAGTAY?

 


Dawlada Somalia bayaan sheegtay inay ka hortagtay hub la doonayay in ay Hayado shisheeye doonayaan inay soo galiyaan wadanka. Sida ay sheegtay dawladu waxay xogo muhiiim ah ku heshay inay ka hortagtay hubkaas oo isugu jiray hubka noocyadiisa culus isla markaana la doonayay in la soo galiyo, balse dawladu ma cadayn inay hubkaas hayso iyo cida ay ku eedaynayso ee wadannka soo galisay, taasina waxay walaac ku abuurtay mucaaridka oo arinta ku macneeyay in dawladu qarinayso hub ay iyadu si sharci daro ah u soo iibsatay.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in gudi ka socota qaramada midoobay ay Somalia u soo dirtay warqad ay kaga dalbanayaan baadhis ku sameeyaan cunaqabatayntii hubka ee Somalia saarna.  Gudidu waxay codsanaysaa inay dawladu cadayso hubka la sheegay inay soo dayuurado ay leedahay dawlada Qatar ka soo qaadeen Eritaria. Gudidu waxay qiimaynaysaa inay jiraan hub ka baxsan xadiga loo ogolayahay hubka soo gali kara Somalia maadaama oo ay saarantahay cunaqabatayn xaga hubka.

Xukuumadda Federaalka Somalia kaliya waxay sheegtay inay ka hortagtay hub kala duwan oo la soo galinayay Somalia, balse may sheegan halka uu ka yimi hubkaasi, cida wadatay, goobta laga soo dejinnayay, hayadaha ajaanibta ah ee dawladu magacawday kuwa ay yihiin, inay dad u xidhay falkaas iyo inay gacanteeda ku jiraan hubkii ay ka hortagtay .

dhamaan su’aalahan oo ah kuwa ay dalbanayaan gudidu waxay u muuqdaan kuwo wakhtigooda jooga maadaama oo aanay dawladu cadaymo soo raacin bayaankeeda. cadayn la’aanta dawladu waxay abuuraysaa in madaw badani ku gedaamanyahay bayaanka isla markaana loo baahanyahay in ay cadayso cida ka danbaysa arinta. Waxa halkaas ka soo baxay shakiga laga qabo in dawladu bilawday inay wadanka soo galiso hub ay doonayso inay iyadu danaheeda u adeegsato, maadaama oo ay dawladu xaaladdo dagaal ka wado qayb ka mid ah dalka sida Gobolka Gedo.

Sida aanu ka soo xiganay saxafi Ali Aadan Mumin oo ah saxafi ka hawlgala Somalia, Agaasimaha NISA ayaa dawlada Qatar la saxeexday heshiis hub lagu siinayo Somalia waliba si degdeg ah, maadama oo ay doonayso inay hubayso askarta lagu soo tababaray Eriteria.  Sida uu sheegay weriyahani hubkaasi waxa uu u badanyahay Bastolado lagu hubaynayo dhalinyaradii lagu soo tababarayay Eriteria kuwaas oo shaki badani ku duuganyahay maadaama oo ay soo baxeen warar sheegaya in dhalinyaradaas loo adeegsaday dagaalkii Tigrey iyo dawlada dhexe ee Ethiopia. Arintani waxay sii xoojinaysaa shakiga ah in dawlagu bayaankeeda ku qarinayso hub ay iyadu dalka soo galinayso.

Waxa soo baxay walaac laga qabo in dawladu hubkan ku qalabanayso ciidamada lagu soo tababaray Eritria kuwaas oo ay doonaysa dawladu inay ku cabudhiso mucaaridka.  Arintani waxay walaac wayn ku abuuraysaa mucaaridka. Dawladu beryahan waxay waday cadaadis wayn iyo hanjabaad ay ku hayso mucaaridka. Waxay hor istaagtay banaanbaxayaasha ka soo horjeeda dawlada kuwaas oo loo adeegsaday ciidamado iyo rasaas nool. Dawladu waxay diiday in madax maamuladu hub iyo ilaalo la galaan garoonka diyaaradaha. Dawladu waxay culays saartay madaxda xisbiyada oo loo diiday inay ka qaybgalaan banaan baxyada lagaga soo horjeedo dawlada. Dhamaan arimahaasi waxay sii kordinayaan walaaca laga qabo in dawladu xiligan hub ka soo iibsanayso dawlada Qadar, hubkaasina loo adeegsado dano gaar ah oo dawladu ku cabudhiso dadka fikir ahaan ka soo horjeeda siyaasada fashilan ee Farmaajo iyo madaxda mucaaridka.

Dhinaca kale Dawlada turkiga ayaa ansixixsay in muddo sanad ah lagu kordhiyo hawlgalka ciidamada turkiga ee ku sugan xeebaha iyo gacanka Cadmeed. Hawlgalka ciidamada Turkigu waxa uu dhamaanayay 10 febrayo 2021, waxaana wakhtigooda laga dhigay 10 febrayo,, 2022. Turkgia iyio Qatar waxey ka mid yihiin dawladaha Somalia gacanta kula jira ee siyaasadeeda faragalinta ku haya isla markaanna ku dooda inay Somalia ka caawiyaan  dhinaca amaanka. Qatar waxey lagu eedeeyaa inay xidhiidh la leedahay ururada argagixisada. Heshiiska la sheegay inay dawlada Somalia kaga ibinayso hubka waa mid sharci daro ah oo sii xumaynaya amaanka dalka xiligan.

UN ayaa bishii  Janaayo 1992 ku soo rogay cunaqabatayn dhanka hubka ah, xiligaas oo ay dhacday dawladii dhexe ee Somalia, isla markaana dalku galay dagaal sokeeye.  Bishii Febraayo 2007 cunaqabateynta ayaa wax laga beddelay si Somalia loogu oggolaado inay iibsan karto sahay hub si loo siiyo Ciidamada Dowladda maadaama oo ay la dagaalamayaan kooxo xagjir ah.. Bishii Janaayo 1992 Go'aankiisii 733 ee Golaha Ammaanku wuxuu aasaasey cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya si looga fal celiyo dagaalada socda iyo xaaladda bani'aadamnimada ee ka sii dareysa balse wali way saarantahay cunqabatayntaas.

Si kastaba ha noqotee waxa jira tuhuno badaan oo ku urursan arintaan, dawladuna ma cadayn hubka ay qabatay iyo cida wadatay, waxana laga walaacsanayahay in dawladu xiligan Qatar ka soo gadatay hub ay u adeegsanayo danaheeda gaar ka ahHaddii ay cadaato in dawladu hub soo gadanayso xiligaan.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?