FARAGALINTA QATAR IYO ERITERIYA IYO HUBKA AY SOO GALINAYAN WADANKA.

 


Heshiiskii sadex geesoodka ahaay ee  wada galeen Farmajo Afawerke iyo Abey Ahmed danta Somalia ugu jirto looma cadeeyn umada Somaliyeed, waxaynu ku war helay iyadoo la yiri Ciidamo Somali ah ayay tababarysa Eritria, cidamadaas oo markii danbe ay soo baxday tuhun ah inay ka qayb galeen dagaalkii u dhexeeyay Ethiopia iyo Tigrey.

Eritria iyo Qatar waxey noqdeen labad dowladood ee maalgalinaya Farmajo ee hubka soo galinaya Somalia. Sida wararku sheegayaan Qatar aya lacagta bixinaysa, Erteriana iyadaa hubka keenaysa oo ciidamadaas la soo tababaray hubaynaysa,su’aashuna waxey tahay waa maxay sababta xiligan loo hubaynayo dhalinayrada ka soo baxay tababar;ka, taasi waxey mucaaridku ku macneeyeen in dawladu doonayso inay cidankaas u adeegsato shacabka ka soo horjeeda dawlada iyo madaxda mucaarida.

Sida wararku shegayana Fahad Yasin waxu heshiis hoose la galay Qatar sidii loo qalabayn lahaay ciidamadaas, iyadoo hubka la soo marinayo Eritrea. Taasi waxey su;aal galineysaa bayaanku dawladu ku sheegtay inay ka hortagtay hub la soo galinayay dalka, balse aanay sheegin cida ay yihiin dadka soo galinaya wadanka hubkaasi. Farmajo iyo Fahad yasin xiligan maahan iney wadanka hub soo galiyeen basle waxey ahayd in ka shaqeyan sidii doorasho loo qaban lahaay. Shacabka soomaaliyeed waxey rabaan doorasho wakhtigeeda ku dhacda, ma rabaan hub iyo dagaal.

Sida aan ka soo xiganay Tony Duheaume oo ah khabiir wax ka qora arimaha carabta iyo Iran waxa uu sheegay Iyada oo maamulka # Qatar ay taageereen Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyadoo loo sii marayo Eriteriya, tani waxay dhawaan sababi kartaa qalalaase siyaasadeed oo ka dhaca aagga, kaasoo dhawaanahan ku soo kordhay macaamilkii kala duwanaa ee Qadar ay la gashay Iran”.

https://twitter.com/TonyDuheaume/status/1354724219255402498

Siduu sheegtay khabirkaan Qatar waxey caan ku tahay kharibida deeganada amaanka ah iyadoo kolba koxo hubaynaysa, markan waxey hubka u soo marinaysa Eritrea, taasne waxey khalkhalgalinaysaa amaanka Somalia oo marka horeba aan wanaagsanayn.

Ertrea haday doonayso wanaga Somalia haka shaqeyso sidii looga heshiin lahaay arimaha doorashooyinka balse maahan inay xiligan soo galiso wadanka hub. Kalitaliyaha Ertrea waxuu caan ku yahay dagaal iyo qalalaase, markana waxuu mashruc ka soo qaatay Qatar oo doonaysa inay dawlada Farmajo hub ku taageerto iyadoo xiligaan loo baahanayahay wadahadal iyo wada xaajood basle aan loo baahneyn in hub laysugu dhiibo dadka Somaaliyeed.

Farmajo waxu raba ain doorashadu dib u dhacdo taasina waxey u dantahay isaga balse xiligaan waxa maamuladu isu diyaarinayaa sidii ay farmaajo doorasho xor ah uga qaadi lahayen kursiga. Maamulada jubaladn iyo Puntiland waxey soo gudbiyeen liiska gudiyada doorashooiyinka halkaasne wax aka cad in Farmajo xiligiisii dhamaaday oon jiri doonin wax danbo oo uu ku meeraysto.

Khabiir Tony Duheame waxuu sheegay in Qatar Hubaynayso ciidamo Farmajo doonayao inuu adeegsado shacabka iyo mucaaridka, taasina waxuu u fududaynaysa dawlada Ertria oo doonaysa inay faragalin ku sameyso siyaasada Somalia.

Besha caalamka iyo ururada xuquuqda aadanaha ha ogadan faragalinta qaawan ee Ertrea ku hayso arimaha Somalia iyadoo lagu tuhunsanyahay in dhalinyaradii halkaasi tababarka u joogtay loo adeegsaday dagaalka Ethiopa taasina wali aan la cadeyn.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?