Cabdikarin H. Guuleed “Dawladu waxay dayacday AMAANKA QARANKA”
Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Cabdikarin Xusen Guuleed ayaa ku sheegay in dawladu dayacday amaankii qaranka isla markaana ay soo bateen falalka argagixsada ah iyo beegsiga muunada bulshada. Cabdikarin Xuseen guuleed oo ah Hoggamiyaha xisbigaHoggamiyaha xisbiga ayaa dawlada ku dhaliilay inay ka mashquushay amaanka qaranka.
Isaga oo arintaas ka hadlaya
waxa uu yiri “Waxaa muuqata
in Dowladda Federaalka ah ay si buuxda u dayacday amnigii guud ee dalka gaar
ahaan midkii caasimadda bilihi lasoo dhaafay, taas oo sababtay iney si weyn
usoo xoogeystaan falalka kooxaha argagixisadaha ah. Waxaan ka tacsiyeynaya
dhibaatooyinkii ka dhashay Qaraxyadii iyo weeraradii dalka ka dhacay labadii
toddobaad ee lasoo dhaafay.”
Markii madaxda iyo saraakiishii
amnigu ku mashquulaan arrimaha siyaasadda iyo doorashada, waxa la filan karo
waa iney cadowgu ka faa’iideystaan dayacaas jira. Dowladda Federaalka ah waxaan
usoo jeedineynaa iney dib ugu celiso saarkiisha amniga shaqadooda si ay uga
hortagaan dhibaatooyinka joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah
dalka.
Sidaan ognahay waxa magaalada muqdisho ka dhacay qaraxyo iyo dilal lala beegsaday dad isugu jira ganacsadeyaal, siyaasiyiin iyo odyaal . shalay ayay ahayd markii qarax lala beegsaday xubno ka tirsan xukuumada, sadex malain ka hor waxa iska horimaad rasaas ku dhintay gudoomiyihii degmada Hodan iyo laba oday dhaqameed oo shalay lagu dilay suuqa bakaaraha.
Dhamaan arimahani waxay sheegayaa
sida dawladu u dayacday amaankii qaranka oogu mushquushay arimo la xiriira
doorashoyinka. Dawladu iyadaa ka masuul ah amanka qarnaka, dalkunu wuxuu ku
jiraa xaalad xasasi ah sidaas awgeed waxa loo baahanyahay in dawladu la timado
qorshe lagu badbadinayo shacabka somaliyeed ee qaraxyada iyo dilka lagu hayo.
Hogaamiyaha xisbiga Sahan waxa uu
intaas ku daray “Waxaa lagu jiraa xilli doorasho. Waa waqti muhiim u ah dalka
iyo dadka. Waxa suurtagal ah iney cadowgu maleegayaan dhibaatooyin waa weyn, oo
u baahan in laga hortago, sidaa awgeed waa in gacana looga shaqeeya arrimaha
doorashadda, gacanta kalana cadowga looga badbaadiya shacabka iyo
masuuliyiinta.
Si kastaba ha noqatee xiligan oo dalku meel adag marayo waxa soo badanaya qaraxyada iyo dilalka loo gaysanaya dadka somaliyeed balse dawlada kama muuqato masuuliyad iyo inay ka hortagto qaraxyadaas, amaankana awooda saarto, kaliya waxey ku mashquushay doorasho iyo inay kursigooda ilaashadaan masuul walibo.

Comments
Post a Comment