FARAGALINTA TURKIGA EE SOMALIA WAXEY KA MUUQATA TAAGEERADA UU FARMAJO SIIYO.

 


Faragalinta turkiga ee Somalia waa mid ka muuqata siduu u taageersanayahay Farmajo oo ku fashilmay inuu wadanka ka dhaliyo amaan iyo dawladnimo buuxda. Turkigu marnaba ma sheegain sharci darada iyo cabudhinta Farmaajo ku hayo shacabka Somalia iyo fashilka siyaasadeed ee mudadii sano ahayd. Turkigu wuxu doonayaa inuu dantiisa ku ilaashado Farmajo uu dalkana isaga u dhiibo markale.   

Ciidamada turkiga ee lagu soo tababaray turkiga ama xarunta uu ku leeyahay Moqdisho ee Camp Turksom, wali kuma guulaysan sidii wadanka looga saari lahaay kooxaha aragagixsada ah, taasina waxay ina tusaysaa in turkigu doonayo in uu mashruuca ku sii dheeraysto. Waayo ciidamada Turkiga ee Somalia waxa wakhtigooda loo kordhiyay ilaa mudo hal sano ah inay sii joogana Somalia mana jiraan hawgalo toos ah oy ka fuliyaan deegaamada kooxda alshabab haystaan. Turkigu wuxuu doonayaa inuu danahiisa gaarka ah ku ilaashado uu xeebtaas dheer ka helo goob ciidan uu isagu leeyahay.

Markii Farmajo la doortay ilaa maata Turkigu arimaha Somali dhex kama noqon waxuu si cad u taageerayay xukuumada Farmajo isaga oo siinayay taageero dhaqaale iyo kuwa militaryba. Taasi waxey ahayd eexdii uugu waynayd ee uu sameeyay xukuumada Erdogan oo arimaha Somalia faraha la soo gashay laga soo bilaabo sanadkii 2014. Xukumada Farmajo waxey kaga bedelatay in Turkiga gacanta loo galiyo meelihii dhaqaalaha wadanku ka soo baxay sida dekedo iyo madaaro.

Turkigu waxu doonayaa inuu soo saaro Somalia Turki oo kale ah oo xukunka qof kali ah iska maamusho, waxaanu doonayaa inuu Farmajo noqdo madaxweyna aan dhicin uu xilka isagu ku hayo. Wuxuu arkay in Farmajo u ogolyahay in Turkigu ku tagri falo Somalia oo siyaasadiisa faragaliyo isla markaana xukuumada Nabad iyo Nolol wadanka ka sii taliso. Ma jirto mashaariic uu ku taageero maamulada kale kaliya wuxuu ku hawlanyahay sidii uu Farmaajo markale xilka u qaban lahaa sharci iyo sharci daroba.

Haddii turkigu Somalia ka caawinayo sidi iloo heli lahaa hayado dawladeed oo dhamaystiran waxey ahayed inuu ka caawiyo sidii loo dhisi lahaay hayadaha maaliyada iyo dhaqaale abuurka sida Bangiga dhexe iyo wasaarada Ganacsiga. Taas ma samayn Turkigu waxuu beegsaday sidii uu ula wareegi lahaay xarumaha dakhligu ka soo galo Somalia sida Dekeda iyo Aadan Cade Airport. Labadaan xarumoodba waxa gacanta ku haya shirkado Turki ah oo iyagu dhaqaalahooda maamula. Tani waxey muujinaysa in turkigu dano dhaqaale ka leeyahay Somalia isla markaana aanu diyaar u ahayn inuu ka qayb qaato sidii loo hagaajin lahaay hayadaha maaliyada iyo ilaha wax soo saarka dalka, waa gumaysi dhaqaale.

Sida uu qoray wargaysa Bildhaan Turkigu ma faragagliyo wadamada siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan ba degan, marka barabardhigo Somalia, taasina waxay ina tusaysaa qaabka khiyaamada ah ee Turkigu danahiisa uga fushanayo Somali. Turkigu waxuu doorankarayay inuu ka hawl galo wadamada u baahan in military ahaan la caawiyo sida South Sudan iyo Yemen basle waxa uu Somalia u doortay iyadoo ku taala goob strategy ah isla markaana aan haysan dawlad awood badan. Sidaa awgeed waxauu bilaabay mashaariic aan  si uu gacanta ugu dhigo ilaha dhaqaalaha ee dalka, waxaanau faragalin toos ah ku yeeshay siyaasada Somalia.

Si kastaba ha noqotee Turkiga iyo Farmajo Somalia waxba uma soo wadaan, madaxweyneha Turkiga Erdogan waa macangag aan doonayn inuu xilka ka tago. Qorshihiisa waxa waaye hadii farmaajo meesha ka tago inuu sii ilsaashada mashaariicdiisa iyo joogitaankiisa Somalia isagoo kolba mashaariic aan dhamaan lahayn ku taageeraya cida talada haysa.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?