DAGAALKA BELEDXAAWO + MUDAHARAADO LAGAGA SOO HORJEEDO FARMAAJO OO MUQDISHO KA DHACAY.
Ciidamada Jubaland ayaa xalay weerar ku soo galay degmada Baladxaawo ee gobolka gado, dagaal halkaas ku dhexmaray ciidamada dawlada federaalka iyo kuwa jubaland waxa ka dhashay khasaare sida laga soo xigtay wararka gudaha. Ciidamdaa jubaland ayaa magaalada ka soo weeraray dhinaca Mandheera ayaa la shegay inay markii danbe qabsadeed qaybo ka mid ah magaalada.
Sida laga arkayay muuqaalo la soo galiyay baraha bulshda, ciidamada jubaland ayaa ku sugnaa gudaha magaalada Balad xaawo halkaasi oo cidamadu sheegeen inay qabsadeen qaybo ka mid ah magaalada. Jubaland ayaa ku doodaysa in Gobolka Gedo uu ka qaaday madaxweyne Farmajo isla markaana Axmed madoobe doonayo in lagu soo celiyo gacanta maamulka Jubaland.
Saraakil ka tirsan ciidamada jubaland ayaa sheegay in guulo ka gaareen dagaalka oo laysu adeegsaday hubka nuucyadiisa culus, waxaana wararku sheegayaan inay jiraan dad shacab ah oo ku dhintay dagalka iyo hanti ku burburtay halkaasi.
Dhinaca
kale dowlada oo ka hadashay dagaalka ayaa shegtay inay soo afjartay dagaalka oo
cidamada jubaland xalay ku soo qaadeen. Wasiirka warfaafinta Somalia oo
warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay qabteen ku dhawaaad 100 maxbuus oo ka
tirsan ciidamada jubaland.
Xukuumada dhexe iyo jubaland ayaa ku muransan xildhibaanda gobolka Gedo iyadoo uu taaganyahay khilaafka u dhexeeye xukuumada iyo maamulada jubaland iyo Puntiland kaasi oo salka ku hayaa habka dawladu u maamushay gudiyada doorashooyinka. Xaalada dagaalka ee gobolka Gedo ka soo cusboonaatay waxay caqabad hor le ku noqonaysaa habsamni u socodka doorashada, taasi oo dawlada laga sugayo inay keento xal waara.
Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta ka dhaceen mudaharaado lagaga soo horjeedo farmaajo. Shacabka mudaharaadayay ayaa dalbanaya in madaxweynuhu xilka baneeyo isla markaana la qabto doorasho lagu wada qanacsanyahay oo xalaale.
Xukuumada Farmajo ayaa wajahayso culayso siyaasadeed, kuwo amni iyo diidmo shacab. Shacabku waxy ka daaleen balanqaadada beenta ah ee Farmaajo, iyada oo dalku wali ku jiro xaalado amni daro isla markaana loo baahanyahay in shacabka la badbaadiyo.
Comments
Post a Comment