Fashilkii Mudo kordhinta iyo Xildhibaanada Laga Mabnuucay Golaha Shacabka.

 


Xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee Farmajo ayaa isku dayday inay Barlamaanka horkeeno qorshe mudo kororsi ah balse waxa hor istaagay xildhibaanada mucaaridka waxaana shalay ka dhashay golaha buuq iyo rabshado.  Sida laga arkayay muuqaalada laga soo duubay xildhibaanada golaha shacabka waxa la arkayay qaar ka mid ah xildhibaanada oo ku qaylinaya “dooni mayno Farmaajo” taasina waxay keentay inuu fashilmay fadhigii loo balansanaa shalay.

Dhacdadaas  ka dib markii xukumada ku fashilantay qorshaheedii waxa gudoomiyaha  Baarlamaanku Soo saaray  qoraal uu  kaga mamnuucay in shan kulan ay yeelanayaan Xildhibaanada golaha shacabka kasoo qeyb galaan 15 xildhibaan  oo lagu eedeeyay in qas ka sameeyeen xarunta Baarlamaanka.

Qorshaha lagaga saaray xildhibaanada mucaaridku waa siyaasad farmajo ku doonayo inuu mudo kororsi ku samaysto, haddii xildhibaanada mucaaridku ka maqnaadaan fadhiga xildhibaanada golaha shacabka waxa meesha ka soo baxaysa sidii uu farmajo rabay oo ah in qasab lagu dhex marayo mudo kororsi maadaama oo xilidhibaanada mucaaridka dibada loo saaray.  Waxaana la qorsheynayaa in beri kulan la isugu yeero xildhibaanada si mudo kordhin loo sameeyo.

Wararku waxey sheegayaan in beri gabi ahaanba aan loo ogolaan doonin 15 xildhibaan taasoo daliil cad u ah in la qorshaynayo mudo kordhin, taasina waxey fursad siinaysaa madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday oo markale sharciga ku tumanayo hab sharci daro ahna ku gacmaha ku qaadanaya haayadii sharci dajinta, waa kalitalisnimo iyo boob lagula kacay sharciga sida xildhibaanadu sheegeen.

Beesha caalamku waxey ka soo horjeedaa mudo kororsi sharci daro ah oo loo sameeyo Farmajo, waxaanay xildhibaanada mucaaridku baaq u direen dunida iyagoo ka walaacsan in markale dimoqraadiyada la dhaawaco. Habka xukuumada aan sharciga ahayn ee Farmajo wax u wadaa waa mid sharciga ka fog, waxaanay duminaysaa demoqraadiyada koraysa ee Somalia, taasina beesha caalamku indhaha ayay ku haysaa wakhtigaan falalka guracan ee Farmajo samaynayo.

 

Dhinaca kale xildhibaanadan laga mamnuucay fadhiya baarlamaanka ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal, waxa ayna cadeeyeen in aysan u hogaansami doonin go’aankaasi, taas bedelkeedana ay qaadi doonaan talaabo ka dhan ah gefka uu kula kacay gudoomiyaha Barlamanku.

Qaar ka mid ah xildhibaanada laga mabnuucay shirgudoonka  ayaa sheegay inaanay jirin cid ka mabnuuci karta inay ka soo qayb galaan kalfadhiyada kala duwan ee golaha, waxaanay sharci daro ku tilmaameen warqada ka soo baxday gudoonka golaha shacabka.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah 15ka xildhibaan e ayaa BBC da u sheegay “Aqalka Sare hadda wuu xiran yahay, oo mushkilad ka dhex abuurantay ayuu u xiran yahay, dabcan Golaha Shacbkana wuu xirmayaa. “Annagu dagaalmi mayno laakiin nidaamka sharciga ah baan ku taagannahay dhibna malahan in laba baarlamaan ay shiraan, annaguna shir baan qabsanaynaa, guddoon baan dooranaynaa ee shaqaan qabanaynaa.”ayuu sii raaciyay xildhibaanku.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo isna kamid ah Xildhibaanada laga mamnuucay fadhiyada Baarlamaanka ayaa Gudoomiyaha baarlamaanka ku tilmaamay mid aan garasho sharci laheyn. Waxaanay ku baaqeen inay samaysan doonaan shirgudoon cusub isla markaana aanay cidi xaq u lahayn in si gaar ah loo beegsado.

”Maxamed Mursal wuxuu kulansaday garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed. Fidnada uu ka talinayana cawaaqib xumada ka dhalata isaga ayaa si shakhsi ah u qaadaya mas’uuliyadeeda!” ayuu yiri xidhibaan Mahad Salad.

Dhinaca kale Warqadaan oo lagu cadeeyey in la ogeysiiyey Taliyaha ciidanka amniga ee golaha shacabka ayaa lagu shaaciyey magacyada xubnaha laga mamnuucay ka qeyb galka kulamada soo socda ee golaha shacabka, waxayna kala yihiin:

Liiska Xildhibaanada laga mabnuucay golaha.

1 –Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur
2 –Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf lidow
3 –Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow
4 –Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur
5 –Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad
6 –Xildhibaan Cabdirasaq Omar Maxamed
7 –Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene
8 –Xildhibaan Maxamed Cali Cumer
9 –Xildhibaan Faysal Cabdulle Guuleed
10 -Xildhibaan Cabdullahi Yuusuf Xasan — Alankey
11 –XiIdhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig
12 –Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Xaaji
13 –Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon
14 –Xildhibaan Saadiq Xirsi Warfa
15 –Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil — Hassan Yare

 

Xildhibaanadan laga joojiyay 5  kulan ee Baarlamaanka ayaa ah Xildhibaano mucaarad ah waxay gabi ahaanba ka soo horjeedaan xukuumada wakhtigeedii dhamaaday in mudo kordhin loo sameeyo.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?