Raysal wasaarihii Hore Mudane Xasan A. Khayre oo soo saaray Digniin la xiriirta arimaha doorashooyinka.

 


Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo war qoraal ah soo saaray ayaa si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka.  Mudane Khaire waxuu ku eedeeyay xukuumada wakhtigeedii dhamaaday inay ku guuldaraysatay inay dalka ka saarto xaalada adage e uu ku suganyahay.

Khaire waxa uu qoraalkiisa ku yiri :Afar (4) bilood kahor ayaa hadal aan jeediyay ku sheegay, in qaabka aan u maareyno afartanka (40) maalmood ee xilligaas nagu soo aadanaa, ay fure u noqon doonto afarta (4) sano ee nagu soo fool leh, ayna gundhig u sii noqon doonaan sawir-mustaqbaleedka dalkeena iyo dadkiisu ay yeelan karaan afartanka (40) sanno ee soo socdo.

Afar (4) bilood kadib, waxay dowladda muddo xileedkeedii dastuuriga ahaa uu dhamaadey ay wali ku guuleysan la´dahay oo ay la rafaneysaa maareynta iyo ka gudbidda isgoyska halista badan ee dalkeennu uu xiligaan taaganyahay. Waxaana wada aragnaa fool-xumadda natiijooyinka ka dhasha marka danta shaqsiga laga horumariyo danta guud, darteedna loo burburiyo danaha guud ee dadka, dalka iyo dowladnimada.

Waxaan horey uga digay, hadana aan mar kale ku celinayaa in hadii aysan Soomaalidu ku heshiin qaabka doorashada madaxtinimada dalka, doorashaduna noqon mid ku dhacda qaab wadar ogol ah oo daah-furan, ay adkaan doonto inay Soomaalidu ku heshiiso ogolaanshaha natiijada doorashada iyo guud ahaan wadaagga hannaanka dowladnimada dalkeenna.

Aniga oo ku kalsoon garaadka iyo kartida dadka Soomaaliyeed, waxaa ii muuqdo maalmo qurux badan oo dalkeenna iyo dadkiisu ay yeelan karaan mustaqbalka dhow, hadii ay helaan hoggaankii saxda ahaa ee horumarkaas ku hoggaamin lahaa.

 

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?