Wakiilada Maraykank, Uk, iyo Midawga Yurub ayaa Gudoonka Golaha Shacabka uga digay inuu Mudo kordhin sameeyo.
Taniyo markii shalay dhacdada foosha xun ka dhacday golaha shacabka waxa soo baxayay baaqyo caalami ah oo lagu dhaleecaynayo gudoonka golaha shacabka. Wakiilada beesha caalamka ayaa bilaabay dedaalo looga hortagayo qorshaha gudoonka baarlamanka Somalia ku damacsan yahay in muddo kordhin loogu sameeyo xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee Farmajo.
Wararka laga helayo ilo xogogaal ah oo ku dhow dhow safiirada beesha caalamka ayaa xaqiijiyay in Safiirada Midowga Yurub, Mareykanka, UK iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ay xiriir taleefan oo gooni gooni ah ah la sameeyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal isla markaana ay uga digeen in mudo kororsi loo sameeyo xukuumada wakhtigeedii dhamaaday. Wakiilada beesha caalamku waxay u sheegeen Mursal inuu isagu masuul ka noqon doono hadii ay waxyeelo soo gaadho demoqraadiyada, maadaama oo mudo kordhintu tahay mid xasiloonida waxyeelaysa.
Wararka ayaa intaas ku daraya in wakiilada beesha caalamku u sheegeen Mursal inaan la aqbali doonin muddo kordhin, aysana heli doonin taageerada Beesha Caalamka, taas bedelkeedna lagula xisaabtami doono Guddoonka hadii ay falkaas ku dhaqaaqaan.
Sida aan ka soo xiganay wariey Cali Aadan Muumin oo ah wariye Somali ah Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa kulan albaabada u xiran yihiin la qaatay Agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin, Taliyaha Ciidanka lugta Biixi, xildhibaan C/shakuur Cali Mire, Cali Yare Cali iyo C/nuur.
Waxaa hoosta laga xariiqay in maalinta Isniinta ah Baarlamaanka laga meelmariyo labo sano oo muddo kordhin ah. Biixi iyo Fahad waxaa loo xilsaaray diyaarinta Ciidankii cagta marin lahaa (Xoog ku maquunin lahaa) mucaaradka, halka C/shakuur loo xilsaaray hawlaha Baarlamaanka.
Cali Yare Cali iyo Cabdinuur ayaa iyagana loo xilsaaray hawlgelinta warbaahinta iyo CBB si shacabka looga dhaadhiciyo sababta keentay ku darsiga ama Muddo kordhinta.
Tallaabooyinkaasi waxay dhacayaan iyadoo laga shaqeeyey in Fadhiga Isniinta iyo Kuwa soo socda aysan Fariisan Xildhibaanadda Mucaaradka.
Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay in Fahad yasin adeegsaday sarakil ka tirsanan jiray Alshabab si loo caburiyo xildhibanada golaha shacabka, taasina ay muujinayso sida sharcigii iyo dastuurkii faraha loogu qaatay.
Dhinaca kale waxa kulamo u socdaan madaxda dowlad goboleedyada sidii xaalada cakiran ee dalka looga hadli lahaa isla markaana loo hor istaagi lahaa mudo kororsiga uu wado madaxweynaha xilkiisii dhamaaday ee Farmajo. Madaxda maamuladu waxay kula la qaateen gudoomiyaha Madasha Badbaado Qaran, sidoo kalana ka wakiil ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland mudane Abdi Hashi. Madasha badbaado qaran iyo madaxda maamul goboleedadu waxay si wadajir xal ugu raadinayaan caqabadaha ku xeeran qabsoomida doorashada.
Dhanka kale waxa la baajiyay shirkii golaha shacabka ee dhici lahaa maanta oo isniin ah ka dib markii ay soo baxeen culayso diblomaasiyadeed oo beesha caalamku saartay gudoonka golaha shacabka Mr. Mursal.
Wararka ayaa intaas ku daraya in wakiilada beesha caalamku u sheegeen Mursal inaan la aqbali doonin muddo kordhin, aysana heli doonin taageerada Beesha Caalamka, taas bedelkeedna lagula xisaabtami doono Guddoonka hadii ay falkaas ku dhaqaaqaan. Isla markaana la baajo kulanka maanta si xal looga gaaro arimaha hada taagan.

Comments
Post a Comment