Qaramada midoobay oo war ka soo saartay xaalada Somaliya iyo mudaharaado Muqdisho ka bilaabmay.

 


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka hadlay dagaalada ka soo cusboonaday caasimada dalka ee Muqdisho isagoo sheegay inuu ka walaacasanyahay xaaladda Soomaaliya, kaddib dagaalladdii Axaddii ka dillaacay magaalada Muqdisho.

War-murtiyeed ka soo baxay afhayeenka Xoghayaha Guud Stephane Dujarric ayaa lagu sheegay inuu xoghayaha guud uu aad uga walaacsanyahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul.

Sidoo kale Xoghayaha-Guud wuxuu ku booriyay dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo”

Waxaa soo baxaya baaqyada heer caalami ee ku aadan qaboojinta xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho hase yeeshee waxaa baaqyadan ay imanayaan xilli kumanaan qoys ay isaga barakacayaan qeybo ka mid ah caasimada dalka.

Dhinaca kale waxa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxayo lagaga soo horjeedo kalitalisnimada Farmaajo. Banaanbaxyo looga horjeedo muddo kororsiga Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Mahammed Abdulahi Farmajo ayaa caawa ka bilowday aaga Mirinaayada ee degmada Cabdicasiis isagoo ku fidey qeybo ka mid ah degmada Kaaraan.

Banaanbaxa oo bilowday afurka kadib ayaa socday muddo saacado ah waxana dadka dibed-baxaya ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku cabirayaan shacuurtooda ku aadan diidmada muddo kororsiga.

Waxaa dadweynaha dibada baxaya socod ka soo bilaabeen Isgoyska Mirinaayada, iyagoo sii maray Isgoyska Sanca, Jardiinka illaa Siinaay.“Farmaajo ha dhaco, mudo kororsi dooni meyno, Farmaajo dooni meyno Kaligi-taliye dooni meyno” ayaa ka mid ah erayadii ay ku dhawaaqayeen dadka banaanaxa dhigayay waxana ay wateen boorar iyo sawiro.

Magaalada Mogadishu oo weli ay ka jirto cabsi la xiriirta in dagaal uu markale ka qarxo iyadoo dad badana ay ka barakaceen magaalada

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?