MUCAARIDKA OO GUUL GAARAY IYO FARMAJO OO KA LAABTAY MUDO KORDHINTII.

 


Mucaaridka oo kaashanaya shacaba , beesha caalamka iyo wadamada jaarka waxey guul ka gaareen inay Farmajo ka hor istaagaan talada qaloocan ee uu ku doonayay in dalka xoog ku haysto isagoo mudo kororsi laba sano ah u sameeyeen Barlamaanku. Madaxda mucaaridku waxay bixiyeen dadaal dheeraad sidii looga guulaysan lahaay kalitalisnimada Farmaajo. Waxay kacay shacabkii, waxa ka soo horjeestay qayb ka mid ah ciidamada iyagoo diidan mudo kororsiga aan sharciga ahayn ee Farmajo samaystay.

Taniyo markii uu fashilmay shirkii ka socday teendhada Afisyooni waxa dibada u soo baxday cadaadiska lagu saarayo Farmajo inuu ka laabto mudo kordhinta, waxaana bilawday mudaharaado, dagaalo iyo baaqyo caalami ah oo ay hogaaminayeen madaxda mucaaridku. Waxey wakhtigoodii ku bixiyeen sidii Farmajo looga hor istaago lahaa damaciisa kalitalisnimada ah dalkana looga badbaadin lahaa burbur iyo qalalaase siyaasadeed ugu danbayna waxa guulaysta mucaaridka oo farmajo awoodiisa tusay.

Sharciga in lagu laabto ayaa Somalia u dan ah. Dagaalka iyo mudaharaadka lagaga hor yimi Farmajo waxa uu Somalia ka badbaadiyaya xukunka qalafsan ee Farmaajo iyo in dalku markale burburo. Waxa markale soo laabatay rajadii shacabka iyo dimoqraadiyada. Markale waxa soo laabatay rajadii laga qabay in dalka doorasho ka dhacdo ka dib markii farmajo lagaga guulaystay siyaasada  isagoo ugu danbayn aqbalay in lagu laabto heshiiskii 17 september si dalka doorasho u ga dhacdo.

Waayo in dalka doorasho ka dhacdo waxay dani ugu jirtaa dhamaan umada somaliyeed. In dalkaan doorasho ka dhacdo waxay muhiim u tahay horumarka dimoqraadiyada iyo nabadgalyada bulshada somaliyeed maadaama dalku ka soo kabanayo dagaalo mudo dheer socday. Nasiib wanaag dedaalkii mucaridku wuxuu dhalay guul taariikhi ah oo damacii Farmaajo daaqada ka tuurtay.

Farmajo waxuu ka cabsaday in mawjadaha mudaharaadayaasha mucaaridku jiidhaan oo awoodu gacantiisa ka baxdo maadaama oo ciidamadii qaar ka mid ahi ka hor yimaadeen. Waxa gilgilay awooda mucaarida iyo shacabka diiday mudo kordhinta iyo xukunkiisa qalafsan. Isagoo ka baqaya in xaaladu ku xumaado uu dalku gacantiisa ku burburo ayuu aqbalay markale inuu doorasho lagu laabto oo la fuliyo heshiisyadii hore loo galay. Shacabka somaliyeed waxay tuseen awoodooda iyo sida aanay u rabin inay markale qaxaan.

Ilaa xiligaan mucaaridku waxay dalbanayaan in uu Farmaajo is casilo islamarkaana raysal wasaare Rooble talada la wareego si uu dalka doorasho u gaadhsiiyo . waxay ka soo horjeedaan dalab kasta oo uu Farmajo la yimaado si uu markale xukunka isugu dhejiyo. Mucaaridku waxey u taaganyihin doonista shacabka, mana aqbalayaan inay  dalka xoog lagu maamulo iyada oo aan doorasho dhicin.  Hogaamiyeyaasha mucaaridka iyo madaxda dawlad goboleedadu waxay leeyihiin “farmajo ha beneeyo kurisga madaxtinimada “ si dalku uga badbaado dib u dhac iyo qalalaase. Waxay doonayaan doorasho lagu wada qanacsanyahay iyo gole siyaasadeed oo furan.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?