CULAYSYADA SIYAASADEED EE UU WAJAHAYO FARMAAJO.

 


Garowe waxa ku kulmaya xubnaha ugu sareeya mucaaridka iyo dawlada oo uu metelayo raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, gogosha oo ay fidisay madasha aragti wadaag,waxa lagaga hadlayaa xaalada dalka, arimaha doorashooyinka iyo sidii looga bixi lahaa caqabadaha hada taagan. Tani waa culayskale oo soo foodsaaray xukuumada farmaajo oo ay u hadhay wax ka yar 40 maalmood. Markana waxay u badantahay in mucaaridku gacanta sare leeyihiin maadaama ay dawladu raadinayso halkii ay ka bixi laheyd, maadaama beesha caalamku ku cadaadisay farmaajo inuu miiska wada hadalada soo fadhiisto oo isaga xalka laga rabbo.

Walaaca ugu badani wax aka taaganayahay in doorashadu xiligeedii ku dhici  waydo oo dib u dhacdo, taasina waxay meesha ka saaraysaa heshiiskii lagu gaadhay muqdisho oo ku dhisnaa in doorashada xiligeeda lagu qabto. Taas waxa caqabada kowad ku ah xukuumada farmaajo oo markii kowaad ba gacan bixidxeysay gudiyada doorashooyinka oo ay ku soodartay xubno ka tirsan dawlada iyo ciidamdaa kuwaas oo mucaaridku u arkeen inaanay qaban Karin doorasho lagu wada qanacsanayahay,

Dhinaca kale waxa soo badanaya weerarada kooxada hubaysani ka fulinayaa gudaha dalka oo wakhtiyadan danbe sii kordhaya una baahan in dawladu talaabo qaado. Xukuumada farmaajo kama jawabayso weerarada lagu hayo shacabka bale waxay xidhxidhaysaa marka shacabku mudaharaadaan ee fikirkooda cabiraan, taasna waa astaanta fulaynimada siyaasada.

Madaxweynuhu waxa uu guud ahaan ku fashilmay in uu fuliyo balanqaadadii markii la doortay oo ahaa inuu qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah, amaanka iyo in aan wadanka laga qaban Karin doorasho aan mucaaridku qayb ka ahayn. Dhamaan arimaasi waxay u muuqdaan kuwa uu ku fashilmay madaxweyne farmaajo mudadii uu xilka hayay. Arinta  ugu muhiimsanai waa doorashada oo ilaa hada lagu mursanayaya isla markaana aanu diyaarin jawigii lagu qaban lahaay doorasho lagu wada qanacsanyahay.

Dhinca kale madaxweyne Farmaajo waa diiday in uu miiska wadahadalada soo fadhiisto oo qanciyo mucaaridka iyo qodobada lagu mursanyahay si doorasho loo gaadho, waxuu ku mashquulay inuu wadanka ka cayriyo safiirada wadamada jaarka ah, inuu suxufiyiinta xirxiro iyo inuu samaysto kooxo isaga taageera oo afkiisa ku hadla.

Si kastaba ha noqotee waxa walaac xoogani ka soo baxaya in doorashadu qabsoonto iyadoo loo dhanyahay, isla markaana la xaliyo tabashada mucaaridka, taasoo beesha caalamku soo jeediyay madaxweynuhu masuuliyada koowaad qaato oo isagu la yimaado tanaasul iyo dabacsanaan siyaaseed si loo xaliyo khilaafka hada taagan.


Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?