Midawga Musharaxiinta oo Shuruudo adag ku xiray khilaafka doorashooyinka iyo Farmajo oo xaaladu ku xuntahay.

 


Midawga musharaxiinta ayaa kulan la qaatay wakiilada beesha caalamka ee­ danaynaya arimaha Somalia, shirka oo lagu qabtay aalada Zoomka waxa lagaga wada hadlay arimaha cakiran ee xiligan ka taagan Somalia gaar ahaan arimaha doorashooyinka ee lagu muransanyahay, kulankani waxuu yimi ka dib markii ay fashil ku dhamatay isku day dhexdhexaadin ah oo Rasayl wasaare Rooble doonayay inuu ku dhexdhexaadiyo mucaaridka iyo dawlada wakhtigeedii dhamaaday ee Farmajo.

Hadaba midawga mushariinta ayaa qoraal ay soo saareen ugu gudbiyay beesha caalamka dalabkooda iyo shuruudaha ay hordhigayaan xukuumada sharci darada ah ee dalka sharci darada ku haysata. Shuruudadaha waxa lagu sheegay inaan Farmaajo doonayan inuu dalka ka qabto doorasho xor ah isla markaana uu xidhay jawigii siyaasadeed ee lagu xalin lahaay khilaafka isagoo isticmaalaya ciidamada Gorgor si ay uu weeraraan madaxda mucaaridka iyo shacabka mudaharaadaya, taasina ay tahay ficil kalitsnimo.

Si kastaba ha noqotee midawga musharaxiintu waxay shuruudo adag ku xireen khilaafka hada taagan. Midawgu waxay soo saareen shuruudahan.

1.      In madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday uu talada qaranka ku wareejiyo Gole qaran oo ay ka mid yihiin labada gole Baarlamaanka. Taas oo macnaheedu yahay in Farmajo yahay madaxweyne sharci daro xukuumadiisuna tahay xukuumad ku meel gaar ah sidaas darteed loo baahanyahay inuu xilka baneeyo.

2.      In heshiis kama-dambeys ah laga gaaro saddexda qodob ee muranku ka taagnaa ee hore u jiray qaab dhismeedka hay’adaha maamulka doorashooyinka, Arrinta Somaliland iyo Arrinta Gobolka Gedo. Qodobkaan oo ah kan muranka ugu badani ka taaganyahay waa qodobada uu Farmajo sida cad u diiday, taasoo sheegaysa inaanu diyaar u ahayn in doorasho dalka ka dhacdo.

3.      in la abuuro jawi siyaasadeed, oo ay ku jirto xorriyadda banaanbaxa, qabashada shirarka, ololaha, dhaq dhaqaaqa xorriyadda hadalka iyo u adeegsiga warbaahinta qaranka si siman. Qodobkan oo ah kan ugu muhiimsan marka la eego dhacdooyinkii dhacay 19 febrayo.

4.      In ay is-casilaan taliyeyaasha ciidamada, gaar ahaan Xoogga dalka, Sirdoonka iyo Booliska oo ay ku eedeeyeen inay ka qeyb qaateen weeraro ka dhan ah musharraxiinta iyo shacabkii sida nabada ah u mudaharaadayay.

5.      in golaha musharaxiinta madaxweynaha ay si toos ah uga qeyb-qaataan wadahadalada doorashooyinka iyo wadatashiga .

6.     In la dadajiyo doorashada, islamaraakana jadwalka lasoo saari doono uusan ka dheeraan muddo 60 cisho ah

7.     In doorashada madaxweynaha lagu qabto isla goobtii ay ka dhacday Febraayo sanadkii 2017-kii.

Si kastaba ha noqotee qodobadani waa kuwo xaalada ku sii adkaynaya Farmajo oo marka horeba ku jiray jahawareer siyaasadeed, fulinta shuruudahani waxay u muuqataa inay ku adagtahay farmajo oo doonaya inuu dalka markale ku soo laabta sabab walba.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?