Qaraxyo iyo Dilal Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
Qarax loo adeegsaday miino wadada la dhigay ayaa lala eegtaay gudoomiyihi Gudoomiyaha Degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Cariif & Saraakiil boolis ah oo la socotay. Qaraxu waxauu ka dhacay degmada Darasalam, waxaana wararku sheegayaan in aan khasaare ka dhalan marka laga reebo gaadhi waxyeelo soo gaadhay. Qaraxa lagu beegsanayay gudoomiyaha iyo saraakiil la socday.
Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka aaso ah ee laga hago meela fog-fog ee gudoomiyuhu ka badbaaday waxa loo badinayaa inay ka danbeeyeen kooxda Alshabab. Wararkau waxa kale oo ay sheegayaan in Ciidamada ilaalada u ahayd guddoomiyaha inay rideen rasaas badan ayna halkaas ka sameeyeen howlgalo lagu raadinayo cidda ka dambeysay qaraxan.
Dhinaca kale waxa qarax kale maanta ka dhacay magaalada muqdisho. Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah ayaa lala eegtay gaari tikniko ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda waxaana wararku sheegayaan in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxaas lala eegtay Ciidamada dowladda, iyadoo qaraxa uu ka dhacay wadada isku xirta isgoyska Lambar 4 iyo Tarabuunka.
Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan, kaas oo uu noociisu ahaa miinada soo boodada loo yaqaano. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ka dhacay dalcadda Cabdiqaasim lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo marayey halkaasi.
Dhinaca kale waxa wararka ka soo baxay amagaala muqdisho sheegayaan in goordhaw gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan boosteejada laga raro baabuurta ceelsha biyaha aada lagu dilay labo nin oo dhalinyaro ah halka mid kalana isbitaal loola cararay isaga oo dhaawac halis ah.
Qaraxyada wadooyinka la dhinac dhigo iyo dilalka ayaa ku soo kordhaya wadooyinka magaalada Muqdisho oo badanaa ah kuwo ciriiri ah oo ay gaadiidku ku badan yihiin. Ilaa hada dawladu kama soo saarin wax war ah waxaana muuqata inaan dawladu xil iska saarin amaank shacabka ee ay ku mashquulsantahay doorasho iyo caburinta dadka iyo mudaharaadayaasha.
.

Comments
Post a Comment