JUBALAND IYO PUNTILAND OO KU BAAQAY IN LA FULIYO HESHIISYADII 17 SEPTEMBER

 Maamulada puntiland iyo Jubaland ayaa soo saaray qoraalo ay kaga hadlayaan qodobadii ka soo baxay shirkii u danbeeyay ee dhex maray raysal wasaaraha xukuumada xilgaadhsiinta ah iyo hogaamiyeyaasha mucaaridka, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan heshiiskaas basle ay ku baaqayaan in la fuliyo qodobadii shirkii 17 September. Labadan maamul waxay ku adkeysteen in la dhameeyo caqabadaha hortaagan in doorasho qabsoonto oo xukuumadu joojiso is adkaynta iyo cabudhinta.

Labadan maamul waxay isla qireen in dawladu masuul ka ahayd weerarkii qaawanaa ee lagu qaaday madaxda mucaaridka iyo taageerayaashooda oo si nabad ah u mudaharaadayay, taasina ay tahay cabudhin lagu qaaday  xoriyada hadalka iyo dimoqraadiyada curdinka ah ee dalka. Labada maamul waxay mar walba soo dhaweynayaan heshiis kasta oo balanqaadaya in dalka doorasho laga qabto, balse waxay ka soo horjeedaa ficilada xunxun ee ay samaynayso xukuumada sharci darada ah ee wakthigeedii dhamaaday.

Puntiland oo qoraal soo saartay ayaa ku sheegtay sidan  “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo,” ayey tiri Puntland.”

Dawladu waxey qiratay in masuul ka ahayd falkii foosha xumaa ee lagu qaaday madaxda mucaaridka, taasi waxy u muuqataa in marka xukuumada Farmaajo ee sharci darada ahi ay  lumisay kalsoonidii shacabka isla markaana ay ka rajo dhigtay inay markale dalka hogaamiso.

Si kastaba ha noqotee madaxda mucaaridku iyaga oo dalka iyo amaankka qaranka u tudhaya waxay ogolaadeen inay ilaa 10 cisho dib u dhigaan mudaharaadada, taasi oo qaangaadhinimo siyaasadeed. Shacabka muqdisho way soo dhaweeyeen mowqifka mucaaridku basle wali waxay diidanyihiin xukunka fashilka ah ee Farmajo iyagoo marwalba ka soo horjeeda cabudhinta, kalitalisnimada iyo tacadiyada xukuumada Farmaajo ku hayso shacabka iyo mucaaridka.


Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?