GOLAHA SHACABKA OO LAALAY MUDO KORDHITNA, ANSIXIYANA HESHIISKII 17 SEPTEMBER.
Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa laalay mudo kordhintii madaxweynaha wakhtgiisii dhamadaaday waxaanay u codeeyeen in dib loogu laabto heshiiskii 17 Sebtembar waxayna ku waafaqeen madaxweynaha. Goluhu markaan waxauu qaaday talaabo ay soo dhaweeyeen shacabka Somaliyeed iyo beesha caalamku, dalkana waxa la rajaynayaa in doorasho ka dhacdo.
Dhamaan xubnihii fadhiyay ayaa u wada codeeyay mana jirin ka hor timid. Bartamihii bishii la soo dhaafay ayay xildhibaanada golaha shacabka waxa ay ansixiyeen doorashada qof iyo cod oo muddo labo sano gudahood ah dalka ka dhacaysa,hase yeeshee waxaa ka horyimid maamul goboleedyada dalka,musharaxiinta iyo beesha caalamka.
Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo codeynta ka hor khudbad u jeediyay Golaha Shacabka ayaa golaha dib ugu celiyay qaraarkii muddo kororsiga ee 12-kii bishii tagtay April ee muddo kordhinta labada sano aheyd, islamarkaana ka codsaday inay taageraan dib ugu noqoshada wadahadallada heshiiskii 17-kii September ee hannaanka doorashada dadban.
Madaxweynaha wakhtigiisu dhamadaay ayaa sabtidii golaha shacabka hortagay ka dib markii cadaadis maxali ah iyo mid caalami ah lagu saaray in uu ka laabto mudo kordhinta aan sharciga ahayn isla markaana uu dalka doorasho ka qabto. Farmajo oo ku fashilmay dalka isla markaana damaciisii daaqada laga tuuray ayaa hadda ka laabtay mudo kordhintii ka dib markii shacabka dagaal kaga hor yimaadeen isla markaana uu taageero ka waayay shacabka iyo madaxda maamulada oo iska diiday kalitalisnimadiisa.
Dhanka kale madaxweynaha wakhtigiisi dhamaaday ayaa raysal wasaare Rooble ku wareejiyay arimaha doorashooyinka iyo amniga. Waxa uu yiri “Waxaan rabaa inaan caddeeyo in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo fulinta doorashada iyo amniga doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga doorashada, si waafaqsan dastuurka, waxaa iska leh xukuumadda. Waxaan farayaa xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas baaxadda weyn,” ayuu yiri Farmaajo.
Farmaajo ayaa sheegay ayaa ku marmarsooday inaanu doonayn inuu dagaal dhaco markii lagaga adkaaday siyaasada isla markaana la soo afjaray damaciisii mudo kordhinta. Waxa uu ugu danbayn ka laabtay mudo kordhintii waxaanu hada ogaaday inuu yahay madaxweyna aan sharci ahayn. Si kastaba ha noqotee markaan Farmajo waxuu ka qancay rajadiisii ahayd in uu markale tartarmo ama xukunka sii dheeraysto. Waxa awood batay dimoqraadiyada iyo shacabka Somaliyeed oo ka daalay xukunka kalitalisa ah.

Comments
Post a Comment