CIIDAMADA DAWLADA XIDHXIDHAY DHALINYARO BANAANBAX DHIGAYAY MAGALAADA MUQDISHO
Sabti 26 December 2020. Dawlada ayaa xidhxidhay dhalinyaro isugu soo baxday banaanbax lagaga soo xorjeedo madaxweyne farmaajo iyo wariyeyaashii duubayay mudaharaadka. Inta la ogyahay waxa la xidhay laba gabdhood iyo comera mankii duubayay. Mudaharaadayaasha waxa kala eriday dawlada oo ciidamo adeegsanayso. Dhinaca kale Waxa la arkayay qof Baastoolad wata oo bulshada mudahardaasay ku dhex jira isagoo baastooalda ku waabinaayo dadka mudaharaadeyey. Sida wararku sheegeen qofka baastoolada watay waxa uu ku qabtay gabadh ka mid ah dadkii meesha joogay.
Mudaharaadayaasha ayaa ku dhawaaqay “farmaajo ma soo laaban doono” iyaga oo isugu soo baxay meelo ka mid ah muqdisho. Dadku waxey ka daaleen siyaasada fashilan ee farmaajo waxaaney u baahanyihiin is bedel dhab iyaga oo raadinaya xuqa ay u leeyihiin iney helaan amaan, nolol fiican iyo iney cabiraan fikirkooda iyagoo xor ah balse taas dawladu way ka soo horjeedaa iyada oo mudaharaadayaasha u adeegsanaysa ciidamo hubaysan iyo dad aan la garanayn oo hub la soo dhexgalaya bulshada sida ninka baastoolada wato. Waxaana sii kordhayo shacabka doonaya is bedelka iyo in farmaajo kursiga baneeyo.
Dawlada ayaa biloowday inay cabudhiso dadwaynaha iyo suxufiyiinta doonaya iney fikirkooda cabiraan, waxaana shacabka somaliyeed ka daaleen siyaasada farmaajo. Farmaajo waxa uu wadanka maamulayay mudo 4 sano ah balse nolosha shacabku waxey u baahantahay is bedel dhab iyo in amaankooda kor loo qaado. Laba todobaad ka hor waxa muqdisho ka dhacay banaanbax lagaga soo horjeeday farmaajo iyo xukuumadiisa ka dib markii midawga musharixiintu soo jeediyeen in dadku isku soo baxaan oo xukuumada is nabadgalyo ah loogu mudaharaado. Nasiib daro xukuumad Farmaajo waxay qaaday talaabo qalafsan oo ah in shacabka ciidan loo adeegsado halkaasna ay dad ku dhinteen ka dib markii ciidanku rasaas ku rideen.
Waxa muuqata in dawladu lumisay kalsoonidii dadka, sababta oo ah markasta oo mudaharaad dhaco, dawladu waxay shacabka u adeegsataa ciidan iyo rasaas. Waxa dhacday in askartu shacabka layso iyagoo rayigooda cabiraya. Taasina waxay gabi ahaanba ka hor imanaysaa xuquuqda fikir cabirista. Shacabka muqdisho waxay ka daaleen farmaajo, waxaanay dalbanayaan isbedel. Todobaado ka hor dawladu waxay ciidamo duldhigtay guryaha musharaxiinta mucaaridka ka dib markii ay ku balanqaadeen inay si toos ah uga qayb qaadan doonaan mudaharaadka lagaga soo horjeedo dawlada.
Xukuumadu waxay samaysay sharci jabin, ka dib markii ay gudida doorashooyinka ku dartay xubno ka tirsan ciidamada, nabadsugida, iyo dadka farmaajo ku taageera baraha bulshada. Khilaafka ku salaysan gudiyada doorashooyinka ee heer federal waxay keeneen in wadanku galo qas siyaasadeed oo dawladu masuul ka tahay.
Bashir macalin oo ka hadlayay dhacdadan “dawladu waxay beegsanaysaa banaanbaxayaasha shacabka, iyaga oo fikirkooda si nabad ah u soo gudbinaya. Dastuurka ayaa balanqaadaya in shacabka somaliyeed fikirkooda ku cabirikaranaa mudaharaad nabadgalyo ah. Dawlada farmaajo waxay cabudhin iyo hanjabaad ku haysaa dadka shacabka ah.”
Gudoomiyihii hore ee degmada Cabdi casiis oo isaguna ka hadlayay dhacdadan ayaa sheegay in mudaharaadku yahay difaacidda dimoqraadiyada, cid ka hor istaagi kartaana ma jirto. Madaxweynuhu waxa uu doonayaa in uu dastuurka burburiyo.
Dhinaca kale xubno ka tirsan dhalinyaradii la xidhxidhay iyo gabadhii xabada lagu riday oo shir jaraaid qabtay ayaa canbaareeyay falalka ciidamada dawladu ku beegsanayaan dhalinyarada iyo dadka mudaharaadaya. Waxa kale oo ay xuseen inay dawladu qabato doorasho xor iyo xalaal ah isla markaana ilaaliso xuquuqda muwaadiniinta somaliyeed.

Comments
Post a Comment