DADKU XAQBYA U LEEYIHIIN INEY SI NABADGALYO AH U MUDAHARAADAAN, LAAKIIN XUKUUMADU MA OGOLA
Markuu yimid khilaafka la xidhiidho gudiyada doorashooyinka ee lagu muransayahay, mucaaridku waxay bilaaween inay la yimaadaan qorshe kasta oo culeeys lagu saari karo dawlada si ay uga laabato go’aanka gudida ay soo xushay, ee sharci darada ah. Gudidaas oo sabab u ah maruanka aan wali dhamaan ee u dhexeeya mucaaridka iyo dawlada.
Dhinaca kale bulshada rayidka ah ayaa la timi iska caabin iyaga oo soo abaabulay mudaharaado nabadgalyo ah balse dawladu kaga hortimi ciidan iyo rasaas nool, mudahaaraadkii ka dhacay muqdisho waxa ku dhintay waxaana ku burburay hanti, taasi oo keentay in xukuumada farmaajo xidho wadooyiinka iyo meelaha muhiimka ah ee bulshada si ay uga hortagto in dadku fikirkooda cabiraan.
Ujeedada mudaharaadku waxey aheeyd in shacabku cabiraan fikirkooda iyaga o diidan xukuumada farmaajo kuna qaylinayo farmaajo ha dhaco, taasi oo ay dawladu kaga jawaabtay ciidamo iyo dagaal, dhinaca kale waxa dhacay isku dhac u dhexeeyay ciidamada dawlada iyo dad hubaysan oo la socday dadka mudaharaadayay.
Maalintaas ka dib ilaa imika bulshadu waxey ka carootay sida dawladoodu ula dhaqmeyso iyaga oo kaliya sameeyey mudaharaad salmi ah, golaha mucaaridku waxey balan qaadeen inay ka qayb qaadan doonaan mudaharaad salmi ah, balse dawladu waxey ciidamo ku daadisay dhamaan jidadka muhiiimka iyo goobaha la isugu imaan karo iyada oo cabsi qabta in hogaamiyeyaasha mucaaridku ku soo biraan mudaharaada. Xukuumada NABAD IYO NOLOL waxey caan ku noqotay iney cabudhiso shacabka iyo dadka fikirkooda cabiraya iyada oon ogolayn in mudaharaada salmi ah ka dhaco caasimada, taasna waxeey ka hor imaanaysa dimoqraadiyada
Dhinaca kale dawladu waxay hor istaagtay xus loo sameeyn lahaa dhalinyaradii sanadkii 2017 lagu laayay weerar lagu qaaday gudoomiyaha xisbiga wada jir, dhalinyaradaas oo ahaa ilaalada gudoomiyaha waxay ku nafwaayeen weerarkaas. Sida uu sheegay gudoomiyaha Xisbiga wadajir waxa gabi ahaanba dawladu joojisay in xus baroodiiq ah loo dhigo dhalinyaradaas. Taasina waxey muujinaysaa sida dawladu u cabudhinayso bulshda iyo siyaasiyiiinta iyadoo adeegsanaysa ciidamda qaranka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo arintaas kaga hadlay barta uu ku leeyahay Facebook waxuu yidhi “Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho waddooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17 December. Waxaa ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wadda kastana waa la xiray. Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa amray xasuuqa, islamarkaana diiddan xusuusta iyo baroordiiqda. Xusku wuu dhacayaa ee Madaxweyne shacabka waddooyinka u fur”
Si kastaba ha noqotee shacabku xaqbay u leeyihiin inay fikirkooda cabirana oo taageeradooda u muujiyaan ciday rabaan, ciday rabaana ku mudaharaadaan iyagoo si nabadgaleyo ah u mudaharaadayea.

Comments
Post a Comment