Golaha Musharaxiinta oo Cambaareeyay Xadhiga iyo rasaasta dawladu isugu dartay Dhalinyaro Mudaharaadaysay.

 


Axad, 27 December 2020. Golaha midawga musharaxiinta doorashada Somalia ee 2021 ayaa cambaareeyay falkii foosha xumaa ee ciidamada dawladu ku rasaaseeyeen dhalinyaro soo abaabushay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan xukuumada Farmaajo. Bayaanka dawladu soo saartay waxa lagu sheegay inaan cidina xaq u lahayn inay shacabka ka qaado xoriyada fikirka. Bayaanku waxa uu soo baxay ka dib markii Ciidamada dawladu xidhxidheen oo xabadana ku rideen dhalinyarada oo si nabadgalyo ah u dhigaysay mudaharaad. 

Bayaanka ay soo saareen golaha musharaxiintu waxa lagu yidhi “Waxay shacabka Soomaaliyeed daawadeen dhalinyaro si nabad ah u mudaaharaadaya & iyo askari dharcad ah oo xabado ku ridaya hablo ka mid ahaa dibed-baxayaasha ka dibna hablihii si qasab ah xabsiga ugu taxaabaya” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta oo sidan u qornaa.

 

Goluhu waxa uu sheegay in ciidamadu fulinayaan amarada iyo hanjabaadaha madaxweynaha iyo xubnaha dawlada u sareeyaa media u soo marinayeen madaxda mucaaridka. Si gaar ah waxay carabka ugu adkeeyeen gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ku baaqay in talaabo kasta laga qaado cida ka hortimaada dawlada hada talada haysa. Waxa lagu bayaankta “waxaanu ugu baaqaynaa iyo wasiirka koowaad ee xukuumada inay inay cudurdaar ka bixiyaan weerarkii lagu qaaday hablihii dibadbaxa dhigayay si degdeg ahna sharciga loo horkeeno kuwii faldanbiyeedkaas gaystay. Dawladuna shacabkeeda ha u cadayso mowqifkeedka u saabsan xoriyada hadalka, kulamada dadwaynaha iyo isku soo baxa shacabka.”

 

Xukuumada farmaajo intii ay talada dalka haysay waxay ku kacday falal lid ku ah xoriyada hadalka, dimoqraadiyada, xoriyada muwaadiniinta iyo dadka dawlada dhaliila oo la xidhxidhay. Waxa la joojiyaa qofkasta oo dawlada dhaliila, waxaana la xidhaa suxufiiyinta wax ka qora dawlada. Ugu danbayn waxa dawladu bilawday inay cabudhiso dadka isugu soo baxa si ay ra’iyigooda u cabiraan.

Dhinaca kale gudoomiyaha midawga musharaxiinta doosharada 2021 ayaa jawaab adag ka bixiyay nin baastoolad ku hubaysan oo xabad ku ridhay dhalinyaro soo abaabushay mudaharaad dawlada lagaga soo horjeedo oo ka dhacay muqdisho.  Isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Askarigii muuqaalka laga duubay ee la xaqiijiyay inuu ku kacay fal dambiyeedka, isagoo bistoolad ku haya gabdhaha, waa in sharciga la horkeeno. Dadka u xiran dowladda ama ay ku daba joogto ee guryahooda ka raadineyso ha iska deyso. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “waxaan cod dheer ku sheegayaa inaan kasoo horjeedno caburinta dadka, dowladda yeysan u qaadan in laga cabsaday hadii laga aamusay, sharci ayaa lagu wada joogaa ee laguma wada joogo cabsi.”

 

Udu danbayn goluhu waxa uu ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, dhalinyarada, waxgaradka, ururada bulshada iyo aqoonyahanka inay diidaan falkaas, isla markaana ay cambaareeyaan. Dhinaca kale waxay usheegeen bulshada inaan qofna xaq u lahayn inuu ka hor istaago xaqa ay u leeyihiin inay isku baxaan oo fikirkooda cabiraan, kana soo horjeestaan xukuumada Farmaajo oo talada dalka ku fashilanta, imikana dalka ka wada qas iyo qalalaase siyaasadeed.

Si kastaba ha noqotee xukuumada farmaajo waxay isku dayaysaa inay dadka cabudhiso xili doorashadii waxyari ka hadhsantahay, isla markaana loo baahanyahay jawi nabadgalyo iyo in doorashada si wanaagsan loogu diyaar garoobo.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?