KHILAAFKA DOORASHADA 2021 YAA SABAB U AH?
Taniyo markii uu soo shaacbaxey khilaafka ku saleeysan gudidada doorashooyinka ee Somalia ee heer federal iyo heer maamul goboleed waxa sii kordhiayay khilaafka balse cida xalka raadinaysaa ma badnayn. Dawladu iyada masuuliyada khilaafka lahayd, oo xukuumada farmaajo ayaa si badheedh ah u magacwday gudi aan dhex noqon Karin iyada sida la sheegay ku soo dartay xubno ka tirsan ciidamada, nabadsugida iyo dadka farmaajo baraha bulshada ka taageero, taasina waxay shidaal ku sii shubtay khilaafka.
Mucaaridku waxey qaadeen talaabooyin culeeys weeyn dawladu lagu saaray, waxay abaabuleen gole ay leeyihin mushariixinta mucaaridku, waxaaney la yimaadeen siyaasad cabudhin ah oo farmaajo lagu khasbayo inuu soo fadhiisto miidka wada hadalada si loo fuliyo heshiiskii doorashada ee moqdisho lagu kala saxeexday. Dawladu markale dhegaha ayay furaysatay, oo ma dhegaysan waxa mucaaridku ku hadlayaan. Khilaafku waa sii xumaaday dawladana waxa soo wajahay culays balaadhan, waayo wax aka hor yimi dhamaan bulshadii caqliga laheeyd iyio mucaaridkii oo is wato.
Intaasoo kaliya maahan, waxa soo galay bulshada rayidka, gacansatada iyo waxgaradka oo ku baaqay in khilaafka wada hadal lagu xaliyo, taasne dawladu ma dhegaysan oo way ku sii adkeeysatay in sidaas doorasho lagu galo. Waxa kale oo qoraalo ka soo saaray arinta khilaafka gudida doorashada beesha caalamka, IGAD iyo cid kasta oo danaysa siyaasada Somalia.
Xukuumada farmaajo iyada oo indha iska tuurayso waxay xidhiidhka u jartay Kenya, oo xaalada labada dal waxey gaadhay heer dagaal ka dhex qarxo. Taasi waxey u arkayeen mucaaridka iyo is bedel doonku khalkhal siyaasadeed oo ku dhacay farmaajo, isaga oo kala garan waayay mucaaridkii iyo Kenya, waxaanu lumayay xidhiidhkii labada dal ee mudada soo jiray iyada oo wixii jira si fudud loo xalin karayay.
Waxa dhacay mudaharaado dad ku dhinteen, hantna ku burburtay oo dawladu sababteeda laheeyd, waayo iyada laga rabay inay la timaado qorshe doorasho lagu wada gaari karo si nabad ah, taasna wey ku fashilantay dawladu markale. Wali mucaaridku waxay rabaan doorasho lagu qanacsanyahay oo cadaalad ah, dawladuna wali ma keenin ajande jawi siyaasadeed oo degan lagu abuuri karo.
Ururada bulshada iyo madaxda golah musharaxiinta oo kulmay waxay ka wada hadleen in qorshe la keeno oo khilaafka la soo dhaweeyo oo laga soo dabco halkii hore, ballse dawladu wali way sii adkaysanaysaa xadhigii hore. Si kastaba ha noqotee dalka waxuu rabaa madaxweyne ka saari kara xaaladan adag, farmaajo waxa u muuqdo kaliya kursiga sidii uu markale ugu soo noqonlahaay, taasna xalmaaha.
Xukuumadu waxey jaraysaa xadhkihii diblomaasiyada ee wadamada jaarka, halka hasan sheikh sidan u dhaqmayay markuu xal hayay ““2017 aniga xafiiska waxaa ka tagay anagoo dal aan cadow nahay oo nala diririsan aanu jirin, waxaan ka tagay dalalka muhiimka noo ah oo dhan anagoo cilaaqaad la leh oo safiiro dalkooda ka socda noo joogaan, safiirana anaga noo jiraan sidaas daraadeed waa dareemi kartaa maanta dalalka istiraatiijiga cilaaqadeed aan la leenahay waa Itoobiya iyo Eritrea, waana siyaasadda dowladeena waaye”ayuu yiri Xasan Sheekh.
Doorashadu dib u dhaceeda waxa u sabab noqonkara iskadkaynta dawlada hadii aanay la imaaan jawi siyaasadeed oo degan.

Comments
Post a Comment