Mahad Salaad oo Beesha Hawiye uga Digay taageerada indhaha la’ ee Farmaajo siinayaan.
Isniin, December 28, 2020.Xilidhibaan Mahad Salad oo ka mid ah xilidhibaanada wakhtigoodu dhamaaday ayaa ka hadlay xaalada hada dalku ku jiro iyo arimaha doorashooyinka ee muranku ka taaganyahay. Mahad salad waxa uu tilmaamay in mudo xileedkii xildhibaanada Baarlamaanku dhamaaday, ta madaxweynuhuna dhamaan doonto wakhti kooban ka dib.
Mahad Salad waxuu xukuumada ku dhaliilay inaanay diyaarin qorshe lagu gaadhi karo doorasho lagu wada qanacsanyahay iyada oo ay u hadhay wax ka yar 40 cisho, madaxweynuhuna aanay ka muuqan masuuliyad xili wadanku ku jiro xaalad adag. Dhinaca kale waxa uu weeraray xubnaha beeshiisa Hawiye ee taageera madax weyne Farmajo. Xilidhaanku waxuu ka mid yahay xubnaha ugu firfircoon ee ka soo horjeeda xukuumada Farmaajo ee fashilantay inay sugto amaanka wadanka mudo afar sano, isla markaana muranka galisay gudiyada doorashooyinka.
Xilidhbaanka oo arimahaas ka hadlaaya waxuu yidhi “Maanta ayay ku egtahay muddo xileedka Goleyaasha Barlamaanka. Duqa Farmaajo ahna 40 cisho ayaa ka hartay muddo xileedkiisa. Doorasho la isla ogolyahay iyo daruuftii lagu qaban lahaa ilaa hada midna nooma muuqato.
Dhinaca kale waxa uu shaki galiyay inaan farmaajo doorasho kale ku guulaysan Karin maadaama oo uu lumiyay kalsoonidii umada somaliyeed balse uuu doonayo inuu doorasho kalidii uu galo ku soo baxo markale. Isagoo arimahaas ka hadlaya waxa uu sii raaciyay hadalkiisa. “Farmaajo wuxuu yaqiinsaday doorasho xor iyo xalaal ah in uusan Madaxweyne mar labaad ku noqon karin. Sidaas daraadeed wuxuu go’aansaday in uu keligiis isku caano shubo ama dalka geliyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni,”
Dhinaca kale waxa uu si cad u dhaliilay xubnaha beeshiisa ah ee u guulwadaynaya farmaajo iyagoon xaalada dalka ka fikirayn. Farmaajo wuxuu ku tilmaamay nin ay la fududahay inuu wadanka dagaal galiyo maalintuu doonana ka dhoofi, kara isaga oo xubnaha beeshiisa ee taageera ku sifeeyay “nacamlayaal” isaga u guulwadaynayan.

Comments
Post a Comment