Doorasho Hal dhinac ah waxa keeni kartaa Qalalaase Siyaasadeed

 


Isniin 11 janaayo, 2021. Markasta oo khilaafka doorashadu sii kordho waxa fursad helaya dadka u abaabulan rabashadaha iyo qalalaasaha, fursadaasna waxa bixin karto dawlada haddii ay xalin waydo khilaafka hada jira. Sida aan ka soo xiganay wararka gudaha ciidamo la abaabulay ayaa lagu bandhigay duleedka muqdisho kuwaas oo ujeedkoodu yahay inay la dagaalamaan dawlada haddii la qabto doorasho aan loo dhamayn. Dhanka kale dawlada ayaa talaabo hanjabaad ah ka soo saartay ciidamada la sheegay in ay joogaan duleedka muqdisho.

Dawlada ayaa sheegay inay gudagalayso doorashadal, taasoo macneheeda u arkaan hogaamiyeyaasha mucaaridku in doorashada lagu galay iyadoo ay maqanyihiin Jubaland iyo Puntiland taasina ay keeni karto khalkhal siyaasadeed ama sababi karto iska hor imaad dhex mara beelaha ku tartamaya kursiga.

Xildhibaan Mahad Salad oo arintaas waxuu ka yidhi “Caawa waxaan daawaday muuqaalkaan laga soo duubay maleeshiyaad aad u hubeysan oo dhoolotus ku samaynaya duleedka Muqdisho, lehna doorasho aan heshiis lagu ahayn Muqdisho laguma qaban karo. Runtii wuxuu igu abuuray welwel aad u weyn jihada qaldan ee Madaxweyne Farmaajo dalkaan u wado. Waxaanan iswaydiiyay Farmaajo ma ogyahay qatarta uu dalka u horseedayo iyo dhibaatada ka dhalan karta ficiladiisa Qaran Dumiska ah. Mise sidii adeerkiis ayuu soo baraarugi doonaa xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen, talada Villa Soomaaliya na meel kale laga agaasimayo?”

Dhinaca kale waxa mucaaridku walaac ka muuijyeen ciidamada dawladu gaysay Baladwayne iyadoo xaalada gobolkaas lagu xalin karayay qaab nabadeed, taasi oo dadka siyaasada falanqeeyaa ku macneeyeen in dawladu doonayso inay wax walba ku xaliso talaabo military.

Dhinaca kale gudoomiyaha aqalka sare Mundane Cabdi Xaashi ayaa nasiib daro ku tilmaamay in dawladu kalideed go’aansato in ay doorasho qabato iyadoo dadkii doorashada loo qaban lahaa maqanyihiin.  

Isaga oo arimahaas ka hadlay waxuuu yiri “Annagoo tixraaceyna shirkii jaraa’id ee ay shalay qabteen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug, waxaan halkaan ku caddeyneynaa in haba yaraatee aysan waxba ka jirin hadalkii Madaxweyne Qoorqoor ee ah in naloo soo celiyay jawaab tanaasul ku jiro, shirkii Garowe kaddib ma jirto cid noola timid wax heshiis ah iyo wada hadal oo la xidhiidha arrimaha doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi”.

Si kastaba ha noqotee waxa walaac ku abuuray dadka daneeya siyaasada somaliya oo ay ugu horeeyaan musharaxiinta mucaaridka, wax garadka, aqoonyahanka iyo cid kasta oo jecel horumarka Somalia in talaabadani keeni karto fashil iyo dadku isku dhaco.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?