Faahfaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdisho

 


Wararka ka imanaya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in qarax ka dhacay  degmada Shibis gaar ahaan beexaani. Sida wararku sheegayaan qaraxu waxuu ahaa miino dhulka lagu xiray waxaana jirta dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan waxa wararku intaas ku darayaan in lala eegtay gaadhi ay saarnaayeen xildhibaano hore oo ay ka mid yihiin Xuseen Caraale iyo Muxudiin Xasan Afrax. Labada siyaasi waxa soo gaaray dhaawacyo, inkastoon si rasmi ah loo cadeeyn. Qaraxa waxa ku dhintay ugu yaraan sadex ka mid ahaa ilaalada labada siyaasada.

Waraku waxa kale sheegayaan in kooxo hubaysani ay ku dileen Xogolof  suuqa bakaaraha  oo ahaa mid ka mid ah ganacsatada suuqaad. Kooxo bastooladu ku hubaysan ayaa ganacsadan ku dilay goobta uu ka shaqaynayay. Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa goordhaw gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay ninkaas waxaana soo badanayo cabsida amni daro ee maalmahaan soo kordhayso.

Dhinaca kake wawrarka laga helayo gobolka shabelada dhexe ayaa sheegaya in alshabab la wareegtay degmada Raage Geelle  ka dib dagal xoogan oo dhexmaray cidamada dawlada iyo dagalamayaal  ka tirsan alshabab. Sida wararku sheegayaan dagaalku waxa uu sababay khasaare isugu jira dhaawac iyo dhimasho

Mudooyinkii u danbeeyay waxa sii kordhaya qaraxyada iyo falalka amni daradaha eh iyadoo dalku galayo doorasho xasaasi ah oon wali laga heshiin, dawladuna wali wax talaabo ah ma qaadin. Waxa jirta cabsi ka jirta deeganada qaar oo soo food saartay dadka deegaanka iyadoo kooxda alshabaab sii wado qaraxyada ka dhanka ah dawlada.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?