Farmaajo ma Rabo Xal Siyaasadeed.
Arbaca, 13 Janaayo, 2021. Shacabku way ka daaleen in lagu danaysto oo marba siyaasi dan lihi ku guuro isagana dantiisak u ilaashadao. Maanta dadku waxey rabaan dawlada cadaalad ah iyo nabadgalyo taasne kuma imaanayso sid uu farmaajo wax u maamulayo, waayo madaxweynuhu uma jajabna inuu doorashada wakhtigeeda ku qabto isla markaana dalka amaankiisa kor loo sii qaado.
Madaxweynuhu kama daalin kursiga waxuna doonayaa inuu sabab walba ku fuulo. Taas awgeed ayuu Kenya xidhiidhka ugu jaray, shacabka mudaharaadaya u xirxirayaa, doorashada ula meeraysanayaa shacabkana u jahawareerinayaa. Madaxweynuhu haduu xal siyaasadeed rabo waxuu gogol nabadeed u fidin lahay Madaxda maamula ka aragtida duwan isagoo tixgalinaya tabashadooda.
Madaxwyne Farmajo wuu ogyahay inuu khalad siyaasi ah sameeyay oo uu hawlgalinayo gudi muran ka taaganyahay isla markaana uu hada ina leeyahay waxa la gudagalayaa doorashada,taasna maahan xalka siyaasiga ee larabo in doorasho lagu gaaro.
Heshiiskii sanadkii hore dhamaadkiisii muqdishu lagu galay meelnaba kagama jirto in la qabto dorasho aan loo dhamayn isla markaana gudida ay ku jiraan dad aan lagu kalsoonayan dhexdhexaadnimadoodu. Madaxweynuhu hadii uu xal siyaasi ah rabo waxa uu gudiyada ka saari lahaa xubnaha shaqaalaha dawada iyo ciidamada ee madaxda maamuladu sheegeen in lagu daray gudiyada doorashada.
Madaxweynuhu ma rabo xal siyaasi ah waayo hadii uu doonayo waxuu ogolaan lahaay codsiga gudoomiyaha aqalka sare oo isagu xaq u leh in uu soo magacaabo xubnaha golayaasha labada aqal eek a imanaya gobolada woqooyi. Taasna dhegaha ayuu ka furaystay.
Farmaajo waxuu xaalad galiyay gobolka Hiiraan oo hada rabshado siyaasadeed ka socdaan. Waxa la geeyay ciidamo, ciidanka qaranku nabadgalyo ayaa la doonayaa in ka shaqeeyeen laakin in shacabka loo adeegsado waa xaaraan. Baladweyne waxa ka socda qalalaase dawladu ka abuurtay.
Madaxweyne Qoor qoorka Galmudug oo Farmaajo u diray isu soo dhawaynta labada dhinac wax uu noqday dhinaca Farmaajo taasina ma keeni karto natiijo waanaagsan.
Sida uu sheegay qoor qoor ma dhici karto doorasho ay ka maqanyihiin jubaland iyo Puntiland iyadoo ay sidaas tahay hadana in khaladkaas lagu sii socdo waa mid aan waxba soo kordhinayn. Farmaajo waxuu isku dhejinayaa kursiga laakiin waxaa laga rabaa marka la gaaro 8 Febraaho inuu ama kursiga baneeyo ama doorasho xalaal ah qabto, wixii intaas ka soo haraa waa qiyaano qaran.

Comments
Post a Comment