Farmajo dhegaha ayuu ka furaystay Baaqa Ururada bulshada.

 


Waxa soo dhawaanaysa mudadii doorashada maalinba maalinte ka danbayso. Khilaafka ku saabsan gudiyada doorashooyinkana waa halkii oo wali ma jiro xal laga gaaray arintaas. Waxa sii dheer in madaxda maamulada qaarkood sii fogaadeen oo xaalku sidii horey ka sii adagyahay. Taas waxa ka sii daran Madaxweyne Farmajo lama imaan gogol iyo jawi macquul eh oo arintaan lagu xalinayo.  Beesha caalamka iyo daneeyayaasha kale e Somali waxey soo saareen baaqyo ay labad dhinac ugu baaqeyaan in xal ka gaadhaan khilaafkan, balse dawladu wali ma dhegaysan.

Intaas waxa dheer ururada bulshda rayidka ah iyo aqoonyahanka Somaliyeed oo madaxweyne Farmaajo ugu baaqyay inuu arinaan xalkeeda dusha ku qaato, balse uu dhegaha ka furaystay. Waxa u danbeeyay baaqa ururada bulshadu shalay soo saareen oo ku saabsanaay in xukuumada dhexe iyo dawlad goboleedadu xaliyaan arintan intaan la gaarin 8 Febraayo.

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka  Mr. Cusmaan Tahliil Shaatax ayaa tilmaamay inay wali sugayana in xal la gaaro inta hartay 8 febraayo, taasina ay u taalo labada dhinac. Maahan markii ugu horeysay ee ururada bulshada rayidka ah luuqad dabacsan kula hadlaan xukuumada iyo mucaaridka balse madaxweynaha oo masuuliyadii qaranku saarantahay dhegaha ayuu ka furaystay waxaana kaliyha u muuqata sidii uu kursiga markale ugu guuleysan lahaay xukunka dalka.

Gudoomiye Shaatax oo arimahaas ka hadlayay waxa uu yirir “waxaan dareensanahay bulshada rayidka oo dhex dhexaad ka ah arrimaha, inay howshooda sii wadaan, rajooyinka aan ka qabno waxaa in xal la gaaro ka hor 8 February, in laga shaqeeyo qodobada la isku haayo, gaar ahaan saddexda arrimood sida arrinta Guddiga, Somaliland iyo Gobolka Gedo”.

Dhinaca kale shariif xasan oo ka hadlayay arinta saabsan doorashooyinka waxa uu yiri “Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha & Maamulada in lawada fadhiisto oo lagu go’aan gaaro kahor 8-da febaraayo, balse dhibaatadu waxa ay imaaneysaa in waqtigaas la gaaro iyada oo aan heshiis lagu ahayn, waqti waa lagu dari karaa waxaa ka horreeya in heshiis lagu yahay, balse Madaxweynaha maya ,waxa uu xilka uga egyahay 8-da Febaraayo 2021” .

 

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?