FARMAJO OO KEENAY QORSHE LAGULA DAGAALAMAYO DENI IYO AXMED MADOOBE.

 

Axad, 17 Janaayo, 2021. Sidaan ka soo xiganay warbaahinta Caasimada Online dawlada farmaajo ayaa doonaaysa inay hirgaliso qorshe lagula dagaalamayo labada madaxweyne ee maamul gobole
edada Jubaland iyo Puntiland kuwaas oo ilaa aan aqbalin doorashada muranku ka taaganyahay ee dawladu doonayso in la qabto.

Arintan waxa xambaaraya madaxda maamul goboleedada Galmudug, hirshabeele iyo Koonfur galbeed oo iyaga ilaa hada dhinaca dawlada la socda. Qorshahan waxa uu dhigayaa in dood llaga keeno si maqaamka muqdisho loo raadiyo taasi oo lagu qarinayo in layska horkeeno madaxda labadaas maamu iyo bulshada degta gobolka Banaadir.

Maalmaha soo socda ayaa la bilaabayaa qorshahan oo looga gol leeyahay in doodaas toos loo galo si loo heli metelaad rasmi ah oo uu leeyahay gobolka banaadir, taasi oo ay dawlada Farmaajo dabada ka riixayso. Qorshahan waxay xukuumad farmaajo doonaysa  inay hesho xubno dheeraad ah oo ay doroashada ku hawlgasho isla markaana la abuuro khilaaf udhexeeye beelahada .

Fursadan waxa uu farmaajo uga faa’iidaysanayaa diidmadii ay Axmed Madoobe iyo Deni hore u diideen inay ogolaadaan metelaada siyaasadeed ee gobolka Banaadir  taasi oo xiligan u noqonaysa dooda kaliya ee ay hayaan isla markaana doonaysyo madaxtooyada Somalia in la iska horkeeno reer banaadir iyo lambadaas maamul.

Ujeedka ugu wayn e laga leeyahay qorshahan waaa sidii loo kala dhantaali lahaa awooda musharaxiinta oo midaysan isla markaana loo abuuri lahaa dood kala qaybinaysa musharaxiinta mucaaridka. Filashadu waa in musharaxiinta beesha Hawiye toos u ogolaato qorshahan halka musharaxiinta beesha Daaroodna ka soo horjeesanayaan. Filashadan oo aan la hubin ineey run noqon karto iyo inkale hadana waxa xiligan ku soo beegay waa dawlada oo aan ilaa hada hayn qorshe siyaasadeed oocad isla markaana ay door biday inay qorshe ka dhigato iska horkeenka beelaha.

Madaxweyne Farmajo ayaa hore ugu ololeeyay 13 xildhibaan oo uu yeesho gobolka banaadir aqalka sare balse arintaas ma suurogalin, waxana hada dib u soo celisay vila Somalia oo doonaysa inay iska horkeento musharaxiinta mucaaridka.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?