Golaha Musharaxiinta “Waa Go’aan dhinac ka raran go’aanka Dawladu ku joojisay Hubka la la galo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade”.

 


Isniin, Desember 3, 2021. Golaha Musharaxiinta oo dalka ayaa ka hor yimi go’aanka ay xukuumadu ku mabnuucday in hub lala galo garoonka diyaaradaha ee Adan  cade oo wasaarada amnigu go’aan ka soo saartay shalay. Waxaanay ku tilmaameen go’aan cid kaliya (dawlada) u adeegayada taasina tahay cadaalad daro lagula kacay musharaxiinta mucaaridka oo u baahan in la ilaaliyo markay isticmaalayaa garoonka diyaaradaha ee aadan cade maadaama oo lagu jiro xili doorasho isla markaana u baahanyihiin in ilaaladoodu hub haysato markay ka dhoofayaan garoonka.

Hadalka golaha musharaxiintu waxa imanaya ka dib markii wasaarada amniga ee DF ee ay soo saartay go’aan lagu mabnuucayo  in hub lala galo garoonka diyaadaradaha marka laga reebo masuuliyiint dawlada.  Waxanay ku tilmaameen go’aankaas mid amaankooda khatar lagu galinayo isla markaana aanay ku qanacsanayn.

Cabdiraxman Cabdishakuur oo ku hadlayay afka golaha musharaxiinta ayaa yidhi ““Haddii ay amniga garoonka isku aamini waayeen anaga miyey na gelinayaan meel Qatar ah?. In anaga nala yiraahdo garoonka hubka lama galeeysaan, Madaxda sarena waa ay isku aamini waayeen amniga garoonka oo waa ay la galayaan taasi maahan wax macquul ah oo aan aqbaleyno”

Midawga musharaxiintu waxey ku tilmaameen go’aanka mid dhinac kaliya khuseeya isla markaana la doonayo in amaanka musharaxiinta mucaaridka lagu wiiqo. Dawaladu waxay  eedeeyeen inay danaheeda oo kaliya ilaashanayso.

Dawladu iyada a ka masuul ah amaanka guud ee dalka iyo amaanka musharaxiinta mucaaridkaba, hore ayay dawladu u dagaal ugu qaaday ilaaladii gaarka ahayd ee gudoomiyaha xisbiga mucraadikad ah ee wadajir cabdiraxmaan  cabdi shakuur halkaana waxa ku dhintay dhalinyaro ilaalinaysay masuulkan.  Dhawaan waxa kele oo ay dawladu ciidan duldhigtay guryahay musharaxiinta mucaaridka ooa y uga baqatay inay  ka qayb qaataan mudaharaad  lagaga soo horjeeday dawlada, ka dib markii ay balan qaadeen inaay ka qayb qaadan doonaan isku soo baxa dawlada lagaga soo horjeedo.

Si kastaba ha noqotee dawladu waxay ku kacaysaa falala maanka wax u dhimi kara iyadoo aan xil iska saarin in amaanka mucaaridka oo ah waajibaadka wasaarada amniga ee dalka. Xukuumada farmaajo waxey laga raba inay dadka iyo dalkaba ilaaliso  shacab iyo dadba iyadaa ka masuul ah amaankooda.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?