GOODAX BARRE “MA JIRTO KHIYAANO QARAN OO KA WAYN WAANA ARIN AAN LOOGA HARI DOONIN FARMAAJO IYO FAHAD.”
Goodax Bare ayaa sheegay inay tahay masuuliyad daro iyo arin laga xumaado haddii ay jirto in dhalinyaradaas qaar ka mid ahi ku dhimatay dagaaladaas, waxaanu ku eedeeyay Farmajo iyo taliyaha nabadsugidda Fahad Yaasiin inay ku kaceen qiyaano qaran oo wax layska waydiin doono.
Wasiirkii hore Cabdilaahi Goodax oo arintaas ka hadlay ayaa yiri “Waa arrin aad u fool xun, murugo iyo masuuliyad darro aan qiil lahayn. Waxay walwal iyo walaac badan arrintan kusii abuureysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda u hibeeyay in ay difaacaan dalka iyo dadkooda. Waxay caqabad ku noqon doontaa in la helo dhallinyaro mustaqbalka ku soo biirta ciidamada qalabka sida.
Ma jirto khiyaano Qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo dambigan ay ummadda Soomaaliyeed ka galeen.”
Dhinaca kale dawlada Farmaajo ayaa beenisay inay jirto dhalinyaro ku dhimatay dagaalkii Tigreegu la galay dawlada dhexe Ethiopa. Wasiirka warfaafint Dube oo arintaas ka hadlay ayaa sheegay inay tahay war been abuur ah, waxaanu sheegay inaany jirin dhalinyaro Somali ah oo ka mid ah kuwii eritaria tababarka loo geeyay oo ku dhimatay dagaalkaas.
Wasiir dube waxa uu sheegay in dhalinyaradaas ay ku jiraan xeryihii tababarka isla markaana uu dhawaan u dhamaan doono. Waxa se madmadaw badani ku jiraa, arintaan oo maalmihii la soo dhaafay baraha bulshda aad looga hadlayay. Dhinaca kale waxa warbaahinta la hadlay waalidiin sheegay inaany war ka hayn ubadkoodii oo sanad ka hor loo diray dalka eritaria.
Si kastaba ha noqotee siyaasyiin uu ka mid yahay Goodax bare ayaa sheegay in arintani noqonayso khiyaamo qaran oo ay sameeyeen Farmaajo iyo kooxdiisa.
Wasiirkii hore ee waxbarashada Somalia Cabdulaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay arinta la xidhiidho dhalinyaro sanad ka hor tababar loo geeyay wadanka Eritaria kuwaas oo wararku sheegayaan in qaar ka mid ahi ku dhinteen dagaalkii dawlada Ethiopia la gashay maamulka kilinka Tigreega. Waxa soo baxaya walaac laga muujiyay in arintaasi jirto ka dib markii ay warbaahinta la hadleen waalidiin sheegaya inay caruurtoodii wali war ka maqal.
Goodax Bare ayaa sheegay inay tahay masuuliyad daro iyo arin laga xumaado haddii ay jirto in dhalinyaradaas qaar ka mid ahi ku dhimatay dagaaladaas, waxaanu ku eedeeyay Farmajo iyo taliyaha nabadsugidda Fahad Yaasiin inay ku kaceen qiyaano qaran oo wax layska waydiin doono.
Wasiirkii hore Cabdilaahi Goodax oo arintaas ka hadlay ayaa yiri “Waa arrin aad u fool xun, murugo iyo masuuliyad darro aan qiil lahayn. Waxay walwal iyo walaac badan arrintan kusii abuureysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda u hibeeyay in ay difaacaan dalka iyo dadkooda. Waxay caqabad ku noqon doontaa in la helo dhallinyaro mustaqbalka ku soo biirta ciidamada qalabka sida.
Ma jirto khiyaano Qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo dambigan ay ummadda Soomaaliyeed ka galeen.”
Dhinaca kale dawlada Farmaajo ayaa beenisay inay jirto dhalinyaro ku dhimatay dagaalkii Tigreegu la galay dawlada dhexe Ethiopa. Wasiirka warfaafint Dube oo arintaas ka hadlay ayaa sheegay inay tahay war been abuur ah, waxaanu sheegay inaany jirin dhalinyaro Somali ah oo ka mid ah kuwii eritaria tababarka loo geeyay oo ku dhimatay dagaalkaas.
Wasiir dube waxa uu sheegay in dhalinyaradaas ay ku jiraan xeryihii tababarka isla markaana uu dhawaan u dhamaan doono. Waxa se madmadaw badani ku jiraa, arintaan oo maalmihii la soo dhaafay baraha bulshda aad looga hadlayay. Dhinaca kale waxa warbaahinta la hadlay waalidiin sheegay inaany war ka hayn ubadkoodii oo sanad ka hor loo diray dalka eritaria.
Si kastaba ha noqotee siyaasyiin uu ka mid yahay Goodax bare ayaa sheegay in arintani noqonayso khiyaamo qaran oo ay sameeyeen Farmaajo iyo kooxdiisa.

Comments
Post a Comment