Gudoomiyhii Degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun ayaa xalay lagu Dilay Muqdisho.

 


Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim dhagajuun ayaa xalay lagu dilay meel u dhaw isgoyska hawl wadaaga ee magaalada Muqdisho, gudoomiyaha ayaa sida wararku sheegeen ku dhintay israsaasasayn dhex martay ilaaladiisa iyo ciidamo ka tirsan dawlada. Wararku waxay sheegayaan in ciidamada dawladu rasaas ku fureen gaadhiga gudoomiyaha.

Gudoomiye Dhegajuun ayaa shalay dalka ku soo noqday isagoo ku maqnaa dalka turkiga oo lagaga soo daweynayay dhaawac ka soo gaadhay dhamaadkii sanadkii hore qarax miino oo gaadhiisa loo dhigay wadada. Wadankaba waxauu joogay hal maalin. Dhegajuun waxuu ahaa nin dhalinyar ah.

Sidaan ka soo xiganay warbaahinta caasimada online, Xukuumada Somalia ayaa saraakiil iyo askar kale  u xidhay dilka gudoomiyaha Hodan. Waxa la xidhay taliyaha saldhigyada booliiska ee Hawl wadaaga iyo waaberi, Gaashaanle Shucayb iyo Gaashaanle maxamed Cabdiqadir, kuwaas oo sida la sheegay ku sugnaa goobta falkuka dhacay. Wararku waxakale ooy sheegeen in ilaa 7 askari oo kale loo xidhay dhacdadan.

Dilka gudoomiyahan dhalinyarada waxa tacsiyeeyay dad badan. Dawladu dhankeeda waxay sheegtay in gudoomiyahaasi kiu dhintay hab qaldan, rasalwaysaaraha oo ka hadlay arintaas ayaa yidhi “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u darayaa qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun guddoomiyihii degmada Hodan oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo xalay ka dhacay Muqdisho. Waxaa Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan ka siiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba ha noqotee dawladu waxay gabtay masuuliyadii amaanka waxana dhacaysa in masuuliyiintu si fudud u dhintaan waliba ciidamo dawlada ka tirsan dilaan. Dalku wuxu ku jiraa xaalad o adag oo amni dawladana kama muuqato dedaalo lagu yaraynayo falalaka amnidarada ah ah.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?