Odayaasha Beesha Hawiye oo Digniin Adag u dirtay Dawlada Federaalka ah.


Shirka odayaasha beesha Hawiye oo la soo gabagabeeyay ayaa laga soo saaray bayaan ka dhan ah guudahaan xukuumada hada talisa ee Farmaajo hogaamiyo. Shirka waxa lagaga hadlayay danaha beeshaas iyo inay mid u noqdaan sidii beeshu u heli lahayd madal guurti ah arimaheeda ka talisa. Waxa si gaara ah looga hadlay arimaha doorooyinka, saami qaybsiga beesha iyo amaanka. Shirkan oo dawladu isku dayday ineey joojiso waxa uu soo xirmay waxaana ka soo baxay dhawr iyo toban qodob oo badankoodu dawlada dhexe u digayaan.

Qodobada shirka ka soo baxay waxay ku socdaan dawlada dhexe oo ay uga diyayaan arimo dhawr ah.

Beeshu waxay sheegtay in madaxweynaha dalku cawaaqib xumo kala kulmi doono falalka faquuqa iyo haybsooca lagu hayo saraakiisha iyo ciidamada kasoo jeeda beelaha Hawiye. Arintani oo mudo dheer socotay waxey odyaashu sheegeen in uu jiro cadaalad daro ka dhex jirta ciidamada isla markaana beeshoodu doonayso in dawladu ka waantawdo in ciidanka hab cadaalad daro ah loo qaybsado.

Qodobada laga soo saaray shirka waxa ka mid ahaa inaan shirkadaha caalamiga ahi heshiisyo la galin dawlada farmaajo ee wakhtigeedii dhamaanayo isla markaana laga waantoobo in la galo heshiisyo aan dani ugu jirin. Tani waxay daba socotaa markii dhawaan golaha musharaxiintu soo saareen bayaan ay dawlada uga digayaan in ay gasho heshiiska shidaalka oo aan Somalia dani ugu jirin.

Madax dhaqameedka beeshu waxay farta ku fiiqday falalkii lagu rasaaseeyay shacab si nabadgalyo u banaanbaxayay oo ciidanka dawladu xabad u adeegsadeen, halkaas oo dhawr qof ku dhinteen. Arintaan oo loo arko inay ka soo horjeedo xoriyada hadalka iyo in dadku fikirkooda cabiraan, waxay ahayd arimhii beryahan danbe dawladu caadaysatay.

Shirwaynuhu waxa uu carabka ku adkeeyay in gudoomiyaha aqalka sare dawladu ka khaldan tahay isla markaana isagu xaq u leeyahay in uu soo xulo xildhibaanada gobolada woqooyi, taasi oo dawladu gacanta maroojisay. Qodobkaan oo ah kuwa ugu xasaasisan ee dawladu si indho la’aan ah gacanta ugu qaadatay waa mid u baahan in dibada la keeno.

Goluhu waxa uu soo jeediyay hadii mudo dhaaf dhaco oo la gaadhi waayo xal siyaasadeed in la abuuro gole qaran oo talada dalka sii haya inta xal la gaarayo. Tani waxay caqabad wayn ku tahay xukuumada farmaajo oo hada kalideed tolatay shaadh siyaasadeed oo iyada uun leeg, doorashada inay qabatana ka cagajiidaysa. Waxa kale oo odayaasha beesha Hawiye ka digeen qalalaasaha siyaasadeed ee dawladu ka wado gobolka Hiiran.

Si kastaba ha noqotee markan beesha Hawiye waxay u muuqataa mid isku wada raacsan sidii loo joojin lahaa damaca leexsan ee farmaajo waxaanay soo jeediyeen digniino iyo qodobo si toos ah ula hadlaya dawlada dhexe isla markaana tilmaamaya in beesha Hawiye taageeradii kala noqotay xukuumada Farmaajo.

 

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?