Qodobada Kasoo baxay shirka Garowe waxay ina Tusayaan Fashilka Xukuumada Farmaajo.
Magaalada Garowe ee caasimada maamul goboleedka puntiland waxa lagu soo gabagabeeyay shirka madasha aragti wadaagah ee sanad laha ahaa oo ay ka soo qayb galeen hogaamiyeeyaasha xisbiyada mucaaridka iyo dawlada. Shirkaad oo mudo dhawr cisho ah ka socday garoowe waxa lagaga hadlay xaalada dalka sida muranka doorashooyhinka amniga qaranka iyo arimaha dastuurka. Waxaana ugu danbaynn maanta ka soo baxay bayaan dhinacyo badan taabanaya.
Bayaanka shirka ka soo baxay waxa ka mid ah in kor loo qaado amniga qaranka balse xukuumada mfarmaoj waxay wali kuguulaysan la’dahay inay dalka ka hirgaliso nidaam nabadgalyo oo muwaadiniinta u damaanad qaadaya inay xoriyada ku noolaadaan, maalamahan danbena waxa soo badanaya qaraxyada dhibta lagu hayo shacabka iyada oon dawladu samayn qorshe lagu badbaadinayo dalka.
2017 markii la doortay farmajo waxu balanqaaday in caasimada amaankeeda sugayo oo soo celinayo xasiloonada iyo kala danbaynta balse waxa dhacdey inuu xukuumada nabad iyo nolol iyadu beegsato dadka muwaadiniinta oo ka aragti isla markaana la xidhxidho cid kasta oo dawlada ku mudaharaada am aka aragti duwan.
Madashu waxay iftiimisay inuu jiro kala aragti duwanaan walaac wayn laga qabo in doorashadu dib u dhacdo taasina waa rabitaanka farmajo oo doonayo in uu mudada sii dheeraysto, si hadaba taas loga baxo mucaridku waxay mar walba ku baaqayaan in dawladu ka tanaasusho iskaynta iyo sharci jabinta isla markaana ay keento jawi doorasho lagu gali karo.
Dhinaca kale farmaajo waxa laga doonayay in dastuurka dib u eegto oo laga baxo dastuurkan qabyo qoraalka ah balse waxay mudadii afarta sano ahayd samaysay ku tumasho sharci iyada oo awoodihii hayadaha dawlada gacanta ku qaadatay, labadii sano ee horeba waxa xilka laga qaaday gudoomiyhii hore ee baarlamaanka mudane jawaari waxana soo bedelay mudane Mursal oo loo arko inuu xukuumad ala dhinac yahay.
Si kastaba ha noqotee dhamaan arimaha lagaga hadlay shirkii madasha aragti wadaag waxa uu ahaa mid iftiimainayay dhaliilaha iyo fashilka xukuumada farmaajo waayo iyada laga rabay inay dhamaan arimahan wax ka qabato mudadii afarta sano ahayd ee kursiga joogtay, maantana iyadaaba khalkhalin siyaasadeed dalka ka wada.

Comments
Post a Comment