SAAMAYNTA CIIDAMADA MARAYKANKA EE SOMALIA KA BAXAY.
Sabti, 16 Janaayo, 2021. Maraykanka ayaa gabi ahaan ciidamadasii kala baxay Somalia. Bixitaanka ciidamada Somalia waxa horey u balan qaaday madaxweynaha xilka ka degaya ee Donald Trumnp oo sheegay in ciidamada Somalia joogo loo wareejin doono wadamada jaarka ah halkaasna ay ka sii wadi doonaa hawlihii ay halkaas ka hayeen. 15 janaayo 2021 ayay ka baxeen ciidamada Maraykanka ee ku sugna Somalia gobo kala duwan.
Ciidamada Maraykanka ee Somalia joogay waxay tiradoodu ku dhawayn 700 askari kuwaas oo hawlgalo ka fulin jiray deegaamada ay kooxaha Alashabab haystaan. Ciidamadani waxay dawlada ka taageeri jireen sidii loo joojin lahaay kooxaha alshabaab oo deegano badan oo Somalia ah gacanta ku haya.
Ciidamada maraykanka oo Somalia soo galay 2007 oo ahaa xiligii laga saaray muqdisho midawgii Maxaakiimta waxay fuliyeen weeraro badan oo ku beegsadeen fadhismada kooxada alshbaab ee Somalia waxaanay dileen kuwo badan oo ka mid ah. Waxa kale oo ay tababar siin jireen ciidamada Somalia.
Hadabo, bixitaanka ciidamada Maraykanku waxay saamayn ku yeelan kartaa amaanka dawlada Somalia maadaama oon xiligaan u diyaarsanayn inay si buuxda ula wareegaan amaanka wadanka oo dhan. Mudooyinkii u danbeeyay waxa Somalia ku soo badanayay weerarada ay gaystaan kooxaha alshabab, waxaanaa qaraxayo badani ka dhaceen gudaha Caasimada Muqdisho.
Xukumada Farmajo ayaa ku guuldaraysatay iney si buuxda u sugto amaanka dalka mudo afar sano ah waxaana hada muuqato in ay jiraan walaac laga qabo in maraykanku baneeyay boos aan loo baahneyn inuu xiligan baneeyo.
Dadka siyaasada ka faalooda ayaa sheegay inaan xiligan loo baaheneyn in maraykanku kala baxoo ciidamadiisa Somalia sababo amni dartood, waayo dalku wuxuu galayaa doorasho, waxaana loo baahanyahay in amaanka la sii adkeeyo.
Xukuumada Farmaajo xiligaan waxaey ku mashquulsantahay olole iyadoo wadanku u baahanyahay in xaaladan adag laga saaro, waayo wali xal waara lagama gaadhin khilaafka hada ka taagan arimaha doorashooyinka. Tani waxey muujinaysa sida dawladu ugu fashilantay balanqaadyadii mudadii afarta sano ahayd.
Comments
Post a Comment