Safiirkii Hore ee Somali Stephen Schwartz eedo u jeediyay Xukuumada Farmaajo.
Safiirkii hore ee Somalia Stephen Schwartz oo ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Somalia ayaa walaac ka muujiyay xaalaada siyaasadeed hada Somalia ku suganthay. Xiligan oo Somalia gashay muran la xidhiidha arimaha doorashooyinka waxa soo kordhay baaqyada ka imanaya beesha caalamka taasi oo keentay walaac la xidhiidha doorashoyinka Somalia iyo sidii dalka looga saari lahaay xaaladan uu hada ku suganyahay.
Stephen Schwartz oo arimahaas ka hadlayay ayaa beesha caalamka ku canaantay inay indhaha ka qarsanayso xaalada dhabta ah ee Somalia isla markaana loo baahanyahay in toos loo gudo galo xaalada khilaafka ee dalku hada ku suganyahay.
Dhinaca kale waxa uuu Farmaajo ku eedeeyay inuu weerar siyaasadeed ku qaaday dawlad goboleedada isla markaana uu doonayo kaliya inuu wadanka qabsado isaga oo aan xil iska saarin sidii xaalada hada taagan loo dejin lahaay. Ujeedada ugu wayn ee Farmajo waxa tahay inuu wiiqo awooda madaxda maamul goboleedada taasina maahan masuuliyada.
Safiirku waxa kale oo uu sheegay in siyaasada Qatar iyo Turkigu saamayn ku yeesheen Somalia. Dawlada Somalia ayaa horey u sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka dalalka carabta balse markii dange waxa soo baxday inay si toos ah ula safatay dawlada Qatar, taasoo keentay in ay dawladu u nuglaato dawlada Qatar oo lacago badan ku bixisa siyaasada Somalia.
Dhinaca kale waxa dedaalo lagu xalinayo khilaafka hada taagan wada wakiilka Somalia ee Qaramada midoobay iyo safiirada Somalia sidii loo dhamaynlahaa khilaafka siyaasadeed ee hada taagan. Beesha caalamku waxay wadaa sidii markale dib laysugu keeni lahaa madaxda maamulada iyo xukuumada dhexe.
Si dhaw marka loo fiiriyo xalaada Somalia waxa soo baxaya walaac laga qabo xaalada dalka iyadoon xukuumada ka muuqan masuuliyad iyo xilkasnimo sidii dalka looga saari lahaa xaaladan adag.

Comments
Post a Comment