Siyaasada Farmajo waa Qaybi oo Xukun.

 


Sabti, 09 Janaayo, 2021. Madaxweyne farmajo wali waxa uu ku dedaalayaa sidii uu heli lahaa taageerada madaxda maamul goboleedada isaga oon la imaan tanaasul siyaasadeed, waxaanu ku hawlanayahay in uu madaxda qaarna soo dhawaysto qaarna ka dhigo kuwo danaha dalka duulimaad ku ah. Kulanka ka qabsoomay Villa Somalia waxuu Farmajo kulan kula qaatay madaxda maamulada Hirshabeele, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, taasi oo dadka siyaasada falanqeeyaa ku macneeyeen siyaasad kala qaybin oon xal lagu raadin Karin.

Madaxweyne Farmajo isaga laga rabaa inuu la yimaado xal siyaasadeed isla markaana ka tanaasulo qodobada sharci jabinta ah ee lagu muransanyahay sida in wax laga bedelo gudiyada doorashooyinka iyo inuu xayiraada ka qaado gobolka oo xildihibaanadiisa muran ka taaganyahay. Taasi bedelkeeda Madaxweynuhu waxuu ku sii adkaysanayaa qorshihiisa sidii uu kursiga u gaadhi lahaa markale isagoon danta qaranka ka fikirayn.

Si halkan la taaganayahay looga dhaqaaqo waxa loo baahanyahay in xalku ka yimaado dhinaca dawlada oo iyadu marka hore samaysay maroorsi siyaasadeed isla markaana damaceedu yahay inay sharci iyo sharci daraba ku guulaysato doorashada inagu soo socota. Taasi maahan xalka laga sugayo Farmajo, waxa ku haboon xiligan inuu xilka baneeyo oo kursiga u baneeyo cid wadankan horumar ku hogaamisa.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug oo dhexdhexaadin ka waday dawlada Federaalka iyo maamulada Jubaland iyo Puntiland ayaa sheegay inaanu wali wax jawaab ah ka helin taasoo sheegaysa in labada dhinac aad u kala fogyihiin mabda’ ahaa, islamarkaanu uu isagu sameeyay wixii karaankiisa ahaa.  Isagoo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri.

“Kabid waxaan kusoo laabtay Muqdisho aniga oo shirar la galay Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS intaas kadib waxaan dib ugu celiyay Madaxweyne Saciid Denni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dhinacyadii kale ee tabashada qabay go’aankii Madaxda Federaalka ee ku saabsanaa Doorashooyinka si isgoyska haatan la taagan yahay looga dhaqaaqo, dalkana ay uga dhacdo doorasho heshiis lagu yahay oo waqtigeeda ku qabsoonta waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo in aysan wali wax jawaab ah ka soo noqon saaxiibadeey Madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo dhinacyadii kale,”

Si kastaba ha noqotee waxa muuqata in Farmajo doonayo inuu maamulada soo kala dhawaysto isaga oo adeegsanaya siyaasada qaybi oo xukun taasina waxay caqab ku tahay in hore loo sii socdo oo dalka doorasho lagu wada qanacsanyahay ka dhacdo.


Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?