Somaliya uma Baahno Madaxweyne Kursiga Jecel.
Salaasa, 12 Janaayo 2021. Farmajo waxa u hartay wax ka yar 40 maalmood mudo xileedkiisa, wakhtigaas kooban waxa la rabaa inuu ku diyaariyo doorasho loo dhanyahay oo lagu wada qanacsanhay. Isaga ayay waajib ku tahay inuu doorashada xalkeeda keeno isagoo kaashanaya maamul goboleedada, marnaba macquul maaahan in doorasho ay ka maqanyihiin Jubaland iyo Puntiland la qabto, taasina waxwey keeni kartaa khataro siyaasadeed oo dib u dhac dalka u horseedi karto. Laakiin waxa muuqato in Farmajo kursiga jecelayahay taasna ay ka la wayntahay in uu danta dalka ka fikiro. Madaxweyne kursiga jecel uma baahno Somalia xiligaan.
Hadii dib loo jaleeco mudadii Farmajo xilka hayay waxa wadanka ka dhacay qalalaase badan iyo sharciga loo lagu tuntay, xukuumada Farmaajo waxey gacanta ku qaadatay sharcigii iyada oo hayadihii dawlada awoodoodii madaxtooyada qaadatay. Golaha shacabka awood waxey laga tuuray mudane Jawaari, waxana bedelay Mursal oo ah gudoomiye u dhaw xukuumada Farmaajo. Madaxweynuhu waxuu rabaa kaliya inuu kursiga ku soo laabto sabab kasta.Somalia uma baahno madaxweyne kursiga jecel xiligan wadanku marayo xaalada adag.
Dadku waxay qabaan cabsi ah in la isku fahmi waayo muranka doorashada taasina keento ina wadanku galo xaalad qas ah oo keeni karta in dagaal dhaco. Madaxweynaha waxa la gudboon in uu dalkiisa u turo oo dhega adayga iska dhaafo isla markaana muranka doorshooyinka xalkeeda keeno. Siyaasad ahaan sax maahan in la yidhaa doorashada waxa la galayaa iyadoon la xalin muranka gudiyada doorashooyinka oo sababteeda dawladu lahayd.
Sadexda maamul goboleed ee ilaa hada Farmaajo taabacsan wali lamay imaan odaynimo ay ku keenayaan labada maamul ee maqan. Qoor qoor waxa uu ku doodayaa waa la idhegaysan waayay, waxa se uu qirsanyahay inaany macquul ahayn doorasho ay ka maqan yihiin labadaas maamul.
Wuxuu yiri qoor qoor'' “Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho hal dhinac ah oo aan laga wada qeybgaleynin, doorashada waxaa lagu heshiiyay in laga wada qeyb galo, haddii ay jirto tabashooyin waa in la xaliyo, doorasho Puntland iyo Jubbaland ka hareen ama ay ka maqan yihiin sabab ma jirto loo qaban karo, mar walba tabashooyinkii jira in la xaliyo oo doorashada waajib tahay in laga qeyb galo.”
Si kastaba ha noqotee Somalia uma baahno madaxweyne kursiga jecel xiligan, balse waxey u baahantahay is bedel iyo in dalka laga saaro xaaladan adag xiligaan. Farmajo hadii uu doonayo in wadanku badbaado ha la yimaado siyaasad cad oo tanaasul leh isla markaana uu qabtaa doorasho lagu wada qanacsanyahay.

Comments
Post a Comment