Villa Somalia oo Ga’doomisay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka “Muudey”
Arbaca, 06, Febraayo, 2021.Wararka ka soo baxaya baarlmaanka Somalia ayaa sheegaya in Xukuumada federaalka Somalia ayaa xayiraad saartay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Barlamaanka oo la godoomiyay si aanu golaha shacabka uga soo xaadirin. Wararku waxay sheegayaan xukuumadu ka hortagayso mooshin uu abaabulayo kaasoo lagaga soo horjeedo xukuumada Farmaajo isla markaana la doonayo in madaxweynaha xilka lagaga qaado.
Muudey iyo xildhibaanada mucaaridka ayaa sida la sheegay qorshaynayay mooshin loogu magic daray badbaado qaran kaasi oo la doonayo in xilka lagaga tuuro farmaajo isla markaana doorashada la qabto. Tuhunkan oo aan wali dibada u soo wada bixin wax aka dhalatay in xukuumada wakhtigeedii sii dhamaanayaa ay ku gefto sharciga isla mrkaana xayiraad saarto masuuliyiinta aqalka baarlamaanka.
Wararku waxay sheegayaan in Muudey uu joojiyay shaqadii Barlamanka maadaama oo xukuumada Vila Somalia saartay culays siyaasadeed oo isaga ka dhan isla markaana ku eedaynayso in uu doonayo in soo mooshin ka dhan ah Farmaajo abaabulayo.
Inkasta oo aan wali la cadayn in arintaan jirto, balse sida aan ka soo xiganay Caasimada online waxa soo baxaya in xukuumadu ka codsatay gudoomiyaha Barlamanka Mudane Mursal inaanay kalsooni ku qabin gudoomiye ku xigeenka isla markaana uu doonayo in uu keeno qorshe madaxweynaha ka dhan sidaas awgeedna culays siyaasadeed loo saaray. Muudeey, dhankkiisa wali kama hadalk arintaan balse waxa iska cad in xukuumada Farmaajo sii wado cabudinta shacabka iyo masuuliyiintaba.
Guddoomiye Muudey oo hada dalka ka maqan waxa la saaray culays siyaasadeed, intii uu joogayna waxa shaqo ah muu qaban. Waxa is ka cad in arintani tahay sharci daro iyo in lagu gefay xasaanada golaha shacabka.
Si kastaba ha noqotee, xukuumada Somalia ayaa sii wada cabudhinta masuuliyiinta qaranka iyo inay gacanta ku qaadato awoodaha hayadaha qaranka, iyada oo golaha shacabka ka dhigtay meel ay iyadu arimaheeda ka fushato. Xildhibaanada golaha shacabka waxay u yeerisaa waxa iyadu rabto iyada oo aanay jirin in golahu si madaxbanaaan u galo arimaha horyaala. Vila Somalia waxay culays saartaa xildhibaanada ay u aragto inuu ka soo horjeedo.

Comments
Post a Comment