Xasan Sheekh “Go’aanka Doorashadu waa mid Dhinac ka Raran, oo Midnimada Dalka Khatar ku ah”

 

Axad, 10 Janaayo, 2021. Musharaxa madaxweyne Xasan ayaa ku tilmaamay go’aan hal dhinac ka raran go’aanka dawladu ku sheegtay in la gudagalayo doorashada iyada oo aan laga heshiin muranka gudiga doorashooyinka.  Xukuuamda Farmajo ayaa shalay ku dhawaaqday in arimaha doorashada la gudo galayo iyada oo ay maqanyihiin madaxda maamul goboleedada Jubaland iyo Puntiland kuwaasi oo ka soo horjeestay nidaamka ay dawladu wax u wado, isla markaana wali khilaafkoodu taaganyahay.

Xasan SHeekh waxa uu ku tilmaamay go’aankan mid qolo kaliya u danaynay isla markaana aan waxba ka tarayn xalka la doonayo in laga gaadho muranka hada taagan, isla markaana gebi ahaanba sharci daro ah. Hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridku waxay ku tilmaameen in xukuumada Farmaajo siiw ado maroosigii awooda iyo sharci daradii muranku ka taagna isla markaana ay badheedh ka tahay arimaha ay hada gacanta kula jirto. Go’aankana waxa uu ku tilmaamay mid khatar wayn ku ah midnimada dalka.

Isaga oo arimahaan ka hadlaya waxa uu yidhi ““Midnimada dalka ayuu khatar gelinayaa go’aanka halka dhinac ee maanta dowladda ku go’aamisay in doorasho ay aadaan qeyb ka mid ah dalka, ayadoo la leeyahay waa laga maarmaa ama loo joojin maayo qeybaha kale, Madaxweynaha sidii ruuxaantii dadka yuusan ka soo dhex hadlin ee bannaanka ha yimaado, haddii shalay doorashooyinkii ciidan iyo xoog lagu boobay, tani tii hore waa ka duwan tahay.”

Hadalkan oo macnahiisa loo fahmi karo in doorashada cid kaliya loo qabanayo iyagana ay go’aan ka dhan ah arintan gaadhi doonaan marka xiligeeda la gaadho. Waxaanu markale ku celiyay inaan la aqbali Karin doorasho boob ah isla markaana ay ka dhalan karto natiijo aan la mahadin hadii dawladu isku daydo in ay ku kacdo bood doorasho.

“Haddii shalay doorashooyinkii maamul goboleedyada qaarkood ciidan iyo xoog lagu boobay, tani tii hore waa ka duwan tahay ee hala ogaado, mana jirto cid laga maarmi karo, dadkii hadalkaas  sheegayna iyagaa masuuliyadda  qaadi doona”  ayuu Xasan Sheekh  ku celiyay waxaanu digniin u diray Farmajo oo u ku eedeeyay inuu wadanka ka wado qalalaase keeni kara dagaal.

Si kasto ha noqotee xukuumadu waxay sii wada cabudhinta madaxda iyo maroorsiga awoodaha sharciga iyada oo soo saartay go’aan dhinac kaliya ka socda. Lamada maamul ee Puntiland iyo Jubaland waxay muhiim u yihiin doorashada Somaliya waxaana loo bahanyahay in la keeno qorshe siyaaseed oo xal lagu gaadhayo, taasina waxay ina tusaysaa kalitalisnimadii ee uu falayo Farmaaje.

 


Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?