Xukuumada Farmaajo oo Diidan in Odayaasha Hawiye danahooda ka Shiraan.

 


Sidaan ka soo xiganay caasimada online DF waxa joojisay shir ay isugu iman lahaayeen odayaasha beelaha Hawiye kuwaas oo danahooda iyo kuwa qarankaba ka wada hadli lahaa. Sida wararku sheegayaan odayaashu waxay ogaysiiyeen shirkooda hayadaha dawlada ee ay khusayso balse dawladu arintaan waa ka joojisay.

Wararku waxay sheegayaan in odayaashani ka arinsanayeen xaalada dalka maadaama oo ay saamayn ku leedahay muranka arimaha doorashooyinka ee hada taagan kuwaas oo aan wali xal laga gaadhin, beesha hawiye oo madaxweyne Farmaajo markii hore taageero wayn u haysay ayaa hada faramadhan ka taagan xukuumada farmaajo, waxay kaga cabteen inuu isugu daray in xidhxidho dadka fikirkooda cabira, oo uu kula dhaqmay qaybi oo xukun.

Waxa jira siyaasiyiin waawayn oo ka soo jeeda beeshaas kuwaas oo ka soo horjeeda siyaasada cabudhinta ah ee madaxweyne farmaajo. Waxay diidanyihiin in caasimadu noqoto meel dadka lagu beegsado halkii ay noqon lahayd meesha horumarka dalka laga qiyaaso, farmaajo waxuu saaray culeeys dheeraad ah mudadii uu xilka hayay, balse sida ay ku doodayaan siyaasiyiinta beesha Hawiye waxa muuqaata in Farmaajo saaray culeeys siyaasadeed oo isugu jira, cabudhin, hanjabaad iyo in la xidhxidho dadka dawlada dhiila.

Xukuumadu ma ogola in shirar la qabto ama dadku isu soo baxaan si ay fikirkooda u cabiraan, taasna waa baqe siyaasadeed oonay dawladu ku kalsoonayn shacabkeeda,”farmaajo ha tago” ayay hal hays ka dhigteen mudaharaadayaal ka soo horjeeday dawlada oo todobaadkii hore isugu soo baxay muqdisho balse dawlada ayaa u adeegsatay ciidamo ku kala kexeeyay rasaas nool halkaana wax aka dhacay khasaaro isugu jira naf iyo maal.

Si kastaba ha noqotee xukuumada farmaajo oo la arko inay ku fashilantay inay wadanka ka dhaliso amaan buuxa mudo 4 sano ah hadana waxey ku darsatay inay cabudhiso dadka ka aragtida duwan isla markaana xidhxidho. Odayaasha beesha hawiye wali waxey wadaan sidii ay shirkaas u qaban lahayeen balse waxey culays ku haysa dawlada oo diidan, taasne waxay astaan u tahay kalitalisnimada.

Comments

Popular posts from this blog

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAYA XUKUUMADA FARMAJO KADIB MUDO KORDHINTII

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA HARAMACAD OO KU BIIRAY CIIDAMADA MUCAARIDKA.

Maxaa lagaga hadlayaa Shirka Garowe ka Socda?