Banaanbaxa Jimcaha, Diidmada Cabdi Xaashi Shirka Baydhabo iyo Cabsida Dawlada.
Midawga musharaxiinta ayaa wada qorshiihi ugu danbeeyay ee diyaar garawga mudaharaadka beri ka dhacaya magalada muqdisho, iyagoo musahraxiintu sheegay in dad waynaha loo diyaariyay wax wablo oo ay u baahanyihiin. Dibad baxan ayaa la filayaa inuu noqdo kii ugu balaarnaa taniyo markii Farmaajo xilka qabtay, ujeedadunu tahay in dadwaynuhu muujiyaan inay ka soo horjeedaan siyaasada Farmajo ee fashilantay iyo mudadii la doortay oo dhamaatay.
Inkasta oo laga digay xaalado amni daro hadana waxa muuqata in ay ka go’antahay midawga musahraxiinta inay kala qayb galaan mudaharaadka bulshada reer muqdisho. Wararku waxay sheegayaa in musharaxiintu diyaarisay - 1-10 kun oo Maaskarada wajiga ah maadaama oo dawladu ku baaqday in Covid 19 meel halisa marayo isla markaana sheegtay inay mabnuucday isu imaatinka dadwaynaha.
Dhanka kale waxay gudidu sheegeen inay diyaariyeen boqolaalk jeermis dilayaal ah oo ay u qaybinayaan dadka si ay faraha ugu dhaqdaan, oo dadka looga horkeenayo inta aaney tagin goobta iyo kooxo gargaar degdeg oo ku fiican xaaladaha degdegga ah.
Si kastaba ha noqotee dawladu waxay cabsi ka qabtaa in bari bulshda reer muqdisho
muujiso sida ay uga daaleen siyaasada fashilantay ee Farmajo iyagoo hore u dhigay banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan maamulka Farmaajo ee ku fashilmay dhamaan balanqaadyadii uu bulshda lagalay markii la doortay.
Dhinaca kale siyaasiyiinta gobolada woqooyi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa ka soo horjeestay shirka Baydhabo iyagoo sheegay inaanay jirin cid ku metelaysay shirkaas, isla markaana ay u arkaan mid aan loo dhameeyn.
Gudoomiyaha Aqalka Cabdi Xashi oo arintaan ka hadlayay ayaa yiri “Waxaa la leeyahay waxaa laga heshiiyey saddexdii arrimood ee madaxweyneyaasha ku heshiin waayeen shirarkii hore ka qeybgalay. Su’aasheydu waxay tahay shirkaa Baydhabo yaa ku heshiiyey? Dabeecadaha shirarkii madaxweyne Farmajo “Heshiiska Shirka Baydhabo anaga qeyb kama nihin,waa ayo cida noo heshiineysa wax aan qaadan karno ma ahan,aniga iyo Farmaajo waxaa isku diinahay Dastuurka”.
Si kastaba ha noqotee somaliya xiligan waxey wajahaysaa xalaad siyaasadeed oo aan la saadaalin Karin iyadoo dhinacyada iska soo horjeedaa aanay wali salka u dhigin khilaafka la xiriira arimaha doorashooyinka, halka xukuumada wakhtigeedii dhacay ee Farmajo ay wali dhegaha ka furaysanayso xaalada dalka.


Comments
Post a Comment