Beesha Caalamku haka qabato Farmajo oo Sharci daro ku haysta Xukunka Somalia
Mudaharaadku waa xaq dastuuri eh, bulshaduna waxay xaq u leedahay inay isu soo baxdo oo muujiso fikirkeeda iyo dareenkeeda, mudaharaadada lagaga soo horjeedo Madaxweyneha wakhtigiisii dhacay ee Farmajo waxay biloowdeen dhamaadkii sanadkii hore basle wakhtigaas ciidamada dowalada ayaa xoog ku kala kexeeyay dadka banaanbaxayay iyagoo u adeegsaday rasaas, halka in ka badan 20 dhalinyaro oo isugu jira suxufiyiin iyo dhalinyaro kale la xirxiray.
Falka ugu foosha xumaa waxa
uu dhacay habeenkii 19 Febraayo iyadoo dawladu weerar qaawan ku qaaday Hutel
Maida oo ay deganaayeen labada musharax ee Xasan Ali Khaire iyo Sheikh Shariif
Sh. Ahmed, weerarkaasi waxuu ahaa cabudhin iyo faldanbiyeed ka dhan ah xuquuqda
iyo xoriyada hadalka. Labada musharax wexay qayb ka ahaayeen banaanbax la doonayay
in maalinta sabtida la isugu soo baxo taalada daljirka dahsoon si shacabku u
muujiyaan inay naceen xukunka farmaajo ee kalitaliska ah.
Qoraal uu soo dhigay Raysal wasaarihii hore Xasan Ali Khaire bartiisa Facebook ayaa sheegay in isaga iyo musharaxin ka ka badbaadeen isku day dil. Waxa uu yiri “Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil oo toos ah, oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo.
Xalay saqdii dhexe waxaa weerar lagu
qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka, waxaana kasii digay natiijada siyaasada
ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo.”
Maalintii Jicmaha waxa dawladu si
cad u weerartay mudaharaayasha iyo madaxda mucaridka oo hogaminaysay waxaana
dunida oo dhan daawanaysay musharaxiinta mucaaridka oo ka yaacaya xabada laga
furay. Ciidamada dawladu waxey si bareer ah xabad ugu fureen shacabka waxaana
halkaas lagu hor istaagay in shacabku si nabad galyo ah u muujiyana dareenkooda
iyagoo ku dhawaaqaya “doonimayno Farmajo” iyo kelmedo kale.
Sida aan ka soo xiganay qoraal uu daabacay Guled Ahmed oo ah aqoon yahan ka faalooda arimaha siyaasada wuxuu qoray “Sida ay sheegayaan warar aan la xaqiijin, in ka badan 20 qof ayaa lagu dilay weerarada waxaana la sheegay in dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka laga hor istaagay inay la tacaalaan ama ay daad gureeyaan dadka dhaawaca ah, kuwaas oo markii dambe dhintay. Hadday sidaas tahay, tani waxay sababi kartaa sababo lagu soo oogi karo dambiyo dagaal, iyadoo si ula kac ah looga hortagayo in gargaarka caafimaad loo fidiyo dadka dhaawacmay, kuwa dhaawacmay, iyo kuwa buka la mamnuucay qodobbada heshiiskii Geneva.”
https://www.mei.edu/blog/monday-briefing-pursuing-diplomacy-iran-without-giving-us-leverage?s=16#ahmed
farmajo si uu u qariyo xadgudubyada uu ku hayo bulshada iyo caburinta uu ku hayo madaxda mucaaridka wuxuu adeegsadaa kooxo ka taageera dhinaca baraha bulshada, wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan dawlada si ay dadka ugu sheegaan warar been abuur ah oo lagu eedaynayo madaxda mucaaridku inay wataan kooxo maleeshiyaad ah oo ciidamda soo weerara. Farmajo wuxu u dhaqmayaa sidii kalidii taliyihii Siyaad bare, isagoo kaga dayanaya xadgudubyada bulshada uu ku hayo, falalka guracan ee kalitalisnimada ah.
Sida an aka soo xiganay weriye daahir Calasaw oo ka waramay ciidamda Gorgor iyo qabiiladooda waxau sheegay in in ka badan 1300 oo ka mid ah Gorgor ay yihiin Marexaan oo ah beesha Farmajo taasoo tilmaamaysa qabyaalada iyo kala qaybinta ciidamada ee Farmajo.
Si kastoba ha noqotee, Farmajo waxuu mudo 4 sano ah ku tagrifalayay awooda dalkaan isogoo ku guuldaraystay inuu doorasho ka qabto, hadana waa madaxweyne xiligiisii dhamaaday oo aan sharci aheyn, beesha caalamku haka qabato dalka si looga badbaadiyo dagaal sokeeye iyo dib u dhac.

Comments
Post a Comment